Farmaajo oo bilaabay ololihiisa ku aadan Galmudug isagoo kulan la qaatay…

Muqdisho Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bilaabay olohiisa ku aadan doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo maamulka Galmudug markii uu is casilay madaxweynihii hore ee maamulkaas Cabdikariin Xuseen Guuled oo qalliin xagga wadnaha ah ku maray dalka Hindiya.

Haddaba madaxweynaha ayaa kulan xasaasi ahaa xarunta madaxtooyada kula qaatay Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo maalmahan ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo uu albaabada ku xirnaa aya waxa la iskula soo hadal qaaday arrinta ku aadan doorashada dhawaan ka dhici doonto Maamulka Galmudug oo la go’aamin doono cidda noqoneyso madaxweynaha cusub taasoo la rajeenayo inay cadaado ka dhacdo bishaan gudaheeda.

Madaxweynaha ayaa la soo sheegay inuu Carabeey kula dardaarmay inay doorashada u dhacdo si cadaalad ah iyo hufnaan weliba iyadoo la fiirinayo rabitaanka shacabka Galmudug iyo baarlamaankooda.

Farmaajo ayaa Ballan qaaday inu garab istaagi doono maamulka Galmudug iyo doorashada  madaxweynaha Galmudug ee dhawaan dhaceyso wxuuna u sheegay inay halkaas imaan doonaan mas’uuliyiin ka socdo dowladda Soomaaliya.

Carabey ayaa dhankisa xusay maadaama uu madaxweynihii hore isaga is casilay inay doorashadaan u dhici doonto si cadaalad ah  lana tixgelin doono dastuurka Maamulkaas u yaal.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aad u daneenayo sidii uu maamulkaas u qaban lahaa shaqsi furfuran oo la shaqeyn karo dowladiisa wuxuuna kulankaan bilaw u yahay ololaha uu ugu jiro arrintaas.

Doorashada madaxweynimo ee maamulka Galmudug ayaa dhici doonto 21 Bishaan sida uu jadwalka yahay haddii aysan wax is badalin waxaana la rajeenayaa inay ka dhacdo magaalada Cadaado oo hadda ah xarunta kumeel gaarka ah ee maamulkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com