Afar ka mid ah Wasiiradii RW Saacid oo meel cad looga tagay (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Xalay saqdii dhexe uu R/wasaare C/wali Sheekh Axmed ku dhawaaqay liiska Wasiirada ka mid noqonaya Xukuumadiisa ayaa waxaa xalay halkaas guul daro kala soo laabatay afar ka mid ah Wasiiro doonayay in mar kale Wasiir laga dhigo kuwaas oo ka tirsanaa Xukuumadii Saacid.

Inta badan hadal heynta ayaa waxa ay u badneyd in lix ka mid ah Wasiiradii Xukuumadii Saacid ay soo laaban doonaan balse taasi ayaa xalay beenoowday ka dib markii ay soo laabteen oo kaliya laba Wasiir.

Xubnaha Xalay Saqdii dhexe gaaray oo aan soo laaban waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga C/xakiim Xaji Max’ud Fiqi ,Wasiirkii Warfaafinta C/lahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirkii Arimaha Dibada Fowsiyo Yusuf Xaji Aden  iyo Wasiirkii Adeega Bulshada Maryan Qaasim.

Si kastaba C/kariim Xusen Guleed iyo Farax C/qadir oo ah laba saaxiibo oo ku dhaw dhaw M/weyne Xasan Sheekh ayaa mar kale dib ugu soo laabtay Wasirada waxa ayna kala helleen Wasiirka Amniga Qaran iyo Wasiirka Garsoorka iyo Arimaha Destuurka.

Fowsiyo Yusuf Xaji Aden iyo Maryan Qaasim ayaa labadaba waxa ay ahaayeen laba Wasiir oo wax weyn qabtay balse aan xilalkooda lagu soo celin maadaa ay howlo badan qabyo u ahaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com