Arag Sawirrada: Bandhig waxbarasho oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Marka Hore Allaah Subxaanahu Watacaalaa Ayaa Mahad Iska Leh Allihii Naga Dhigay Umadaha Islaamka Umada Ugu Kheyrka Badan, Kuna Dhaqanta Shareecada islaamka ,Marka Xigtana  waxaan u Mahad Celinaynaa Bahda Saxaafada Soomaaliyeed , taas  oo had iyo Jeer ka qeyb qaadata Nabada iyo Horumarka Dalkeena .
Sida aan wada ogsoonnahay Tan iyo Burburkii Dowladii Hore  ee Soomaaliya wadanka wuxuu soo maray marxalada kala duwan taas oo sababtay in qaar ka tirsan Caruurta soomaaliyeed ay ku dhacdo Waxbarasha la’aan taas oo Mustaqbalkooda Saameen Weyn ku yeelatay , waxayna qaar ka tirsan Caruurtaasi  ay Noqdeen kuwa Derbi Jiif ah, kuwa Tuuga ah iyo kuwa Garaabada Aruuriya had iyo jeerna la jirdilo dar xumana ugu noolyihiin Magaalada Muqdisho.
 DSC02728DSC02737DSC03632DSC03638DSC03700DSC03703DSC03724DSC04173DSC04175DSC04187DSC04192DSC04199 (1)DSC04199DSC027141
 Degmada X/weyne waxay ka mid tahay Degmooyinka Ugu Nabadoon Magaalada Muqdisho , Waxaana ku yaala Goobo Badan ee waxbarasho ,Dugsiga Yuusuf ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Culuumtiisa , wuxuu ka mid yahay Dugsiyada ugu Waa weyn ee Degmada X/weyne Waxaana wax ka barta Arday Tiradoodu Gaaraysa 290 Arday ,waxayna isugu jiraan Wiilal iyo Gabdho iyo Qeyb loogu talagalay Aabayaasha & Hooyooyinka si loo helo Qoysas Muslimiin ah oo wada Xifdisan Kitaaba Alle inoo soo dejiyay waxaana la baraa Baraa  Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Axaadiista, Axkaamta Tajwiidka ,Tuxfaha, Siirada Nabigeena Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa Alle ha yeelee,Fiqiga,Tafsiirka Qur’aanka,Adkaarta,Luuqadaha Carabiga, Soomaaliga,English,Xisaabta iyo  dhamaan wixii ku saabsan Diinta Islaamka
Arydayda  waxay isugu jiraan Arday Agooman ah iyo kuwa aan awoodin inay iska bixiyaan Qarashka waxbarasho .
Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa isa soo tarayey horumarka  Goobaha Waxbarashada  ay sameynayeen Guud ahaan Shacabka Ku Nool Magaaladda Muqdisho.
Waxaan Wareysi Layeelanay Maamulaha Dugsiga Yuusuf ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Culuumtiisa Al-ustaad C/qaadir Siidow Ibraahim  wuxuuna  Sheegay in had iyo Jeerba ay u taaginyihiin sida ay wax u bari lahaayeen Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Dadka ku Dhaqan Degmada X/weyne, sidoo  kale  wuxuu sheegay ,in Ardayda Dhigata Madarasada Yuusuf  ay  u kala qeybsamaan 3 qeybood  waxayna kala yihiin sidatan
1.Arday Heerka koowaad oo ah  kuwa   loogu talagalay inay Qur’aanka ku  xifdiyaan  muddo kooban.
2. Ardayda Heerk Labaad  Waa Xanaano kuwaas oo da’doodu  ay yartahay  waxaana labarayaa Farbarashada Hingaadka iyo Xifdinta Qur’aanka kariimka iyo dhamaan madooyinka laga dhigo Madarasada
3.Heerka Sedexaaad waa qeyb loogu talagalay la dagaalanka Jahliga iyo wax akhrin la’aanta waana qeyb Dadka  waaweyn keliya  ah.
Gunta iyo Gabagabada Barnaamijkeena Qalin iyo Qoraal oo aan ku booqanay Dugsiga Yuusuf ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka halkaan ayaan ku soo gaba gabeynaynaa
 Wabilaahi Towfiiq
Wixii Talo iyo tusaalo ah Fadlan la xiriir Maamulka ama wac:- Tel: 0025261-5572840/0025261-5008787 E-mail: madrasatyusuf@gmail.com ama info@markazyusuf.com www.markazyusuf.com