Kenya oo laga wareejinaayo hogaanka ciidamada Amisom ee Jubbooyinka

Nairobi (Caasimada Online) Warar laga helayo Hogaanka AMISOM, ayaa xaqiijiyay in Sarkaal katirsan Ciidamada Siera Leone uu la wareegi doono Hogaanka howlgalada AMISOM, gaar ahaan Gobolada Jubooyinka

Saxaafada Siera Leone waxaa ay soo xiganaysay Jeneral Samuel Omarr Williams,oo ah madaxa Ciidamada difaaca Siera Leone,waxaana sidoo kale sargaalkan uu ka hadlay guulihii ay gaaren inta ay ku sugnaayeen Kismaayo.

“Waxbadan oo la taaban karo ayey ku soo kordhiyeen ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo ciidamada Siera Leone,waxaana qeyb weyn ay ka yihiin xaqiijinta amniga ee deegaannada,waxaana diwan galinay warbixino sheegaya in ciidamada Siera Leon mudada ay ku sugan yihiin Soomaaliya ay gaareen guulo wax ku ool ah,taasina waxaa amaanteeda leh madaxweynaheena oo isago dhaqaalo iyo maskaxba ku bixiyay sidii ciidamada Siera Leone qeyb kaga noqon lahaayeen holwgalka AMISOM ee Soomaaliya”ayuu yiri Jeneral Samuel Omarr Williams oo ah madaxa ciidamada difaaca Siera Leone.

Ciidamada Siera Leon,waxaa ku waheliya magaalada Kismaayo ciidamada dalka Kenya oo iyagu horey uqabtay gacan ku heynta magaalada Kismaayo oo xilligaan saldhig uu ah maamulka KMG ah ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com