Axmed Midoobe iyo ku xigeenkiisa oo isku dhacay iyo hub isu urursi socda

Kismaayo (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo ifbaxay Khilaafka u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa 2-aad C/qaadir Xaaji Maxamed ‘Luga-dheere’, ayaa waxaa faraha ka baxay ammaanka Kismaayo.

Khilaafka labada Mas’uul ayaa keenay in Ciidamo la isku aruursado, kuwaasi oo lagu soo daadiyay Wadooyinka iyo Xaafadaha ku yaalla Magaalada Kismaayo, Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka Maamulka Jubba, C/naasir Seeraar ayaa sheegay in 24-kii Saac ee ugu danbeeyay ay Kismaayo soo gaareen Boqolaal ka tirsan Maleeshiyada Raas Kambooni, kuwaasi oo laga keenay Degmada Dhoobley.

Maleeshiyaadkan ayaa waxa uu Axmed Madoobe doonayaa in uu isaga difaaco Weerar kasta oo uga yimaado dhinaca ku xogeenkiisa 2-aad Cabduqaadir Xaaji Maxamed ‘Luga-dheere, oo ay ku muransan yihiin Qeybsiga Awoodda Kismaayo iyo Golaha Wasiiradda.

Luga Dheere, ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe in uu Qiyaanay oo uu uga baxay Ballan ahaa in Beeshiisa ay kasoo dhex muuqan doonaan Golaha wasiiradda Maamulka Jubba, balse uusan taas sameyn.

Dadka deegaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay Xiisadaha taagan iyo Amaanka faraha kasii baxaya ee ka jira Kismaayo.

Si kastaba, 20-ka Bishan ayaa lagu wado in la caleemo saaro Axmed Madoobe, sidoo kalena la dhaariyo Golaha Wasiiradda Maamulka uu Khilaafka ka taaganyahay ee Jubba.

Isha: KON