Yuusuf Garaad “Markii labaad ayaan ku hungoobay inaan noqdo wasiir”

Muqdisho (Caasimada Online) – Tifaftirihii hore ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, ayaa shaaca ka qaaday inuu isku dayey oo uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday ka mid noqoshada golaha wasiira cusub ee Somalia.

Qoraal uu arrintan kaga warramay ayuu Yuusuf Garaad soo dhigay bartiisa facebook, waxaana uu qornaa sidan:-

Hambalyo Golaha Wasiirrada ee uu horseedka u yahay Ra’iisal Wasaare mudane Cabdiweli Shiikh. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa Golahan in uu ku guuleyo in uu dadka Soomaaliyeed ka qaado halka ay yaallaan. Waxaan ugu duceynayaa in Ilaaheey waafajiyo in Goluhu uu soo celiyo sharafta iyo karaamada muwaaddinka Soomaaliyeed. Waxaan rajeynayaa in uu sugo amniga dalka oo dib u dhac weyni ku yimid, fursado u abuuro da’yarta, dhaqaalaha dalkana soo nooleeyo. Siyaasiyiinta heerarka kala duwan iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay gacan ku siiyaan xukuumaddu in ay waajibeedkeeda gudato.

Maaddaama ay saaxiibbo badan igula taliyeen in aan Xukuumadda ka mid noqdo, waxaan la socodsiinayaa in aan jeclaa in aan ka mid noqdo. Ra’iisal Wasaare Mudane Cabdiweli Shiikh waan ka codsaday in aan Golahiisa xubin ka noqdo. Sidoo kale, Madaxweynaha, Mudane Xasan Shiikh isagana waan ka codsaday. Sabab kastaa ha keentee waxay doorbideen in aan la iga qeyb gelin Golahan. Waa markii labaad tan iyo 2012 ee aan isku dayo in aan ka qeyb galo ama talo ku yeesho siyaasadda dalka.

Waan ku xushmeynayaa go’aankooda. Waxaan hubaa in aan xukuumaddu u dhutin doonin ka maqnaashaheyga. Dad iga aqoon, khibrad iyo xog ogaalnimo badan, iga dhihi og iyo dad iga miisaan culus kuma yara Golaha lagu dhawaaqay. Dabcan wakhtiga ayaa na tusi doona waayo aragnimadooda, kartidooda, wadashaqeyntooda iyo daacadnimadoodu inta ay la eg tahay marka ay howlgalaan. Waxaan ku qiimeyn doonnaa waxa ay ka qabtaan ammaanka, aadminnimada, xaq dhowrka xuquuqda aadanaha, la dagaallanka musuqmaasuqa baahay iyo dhismaha hey’adaha dowladda.

Sannadkan cusub ee 2014 waxaan Golaha Wasiirrada cusub iyo Soomaaliyada cusub u rajeynayaa Guul cusub oo aan hore noo soo marin. Waxaan rajeynayaa in Madaxda Qaranku ay bartaan in xogta xafidaaddeedu ay tahay waajib Qaran. Waxaa kale oo aan rajeynaa in Madaxweynaha iyo Wasiirrada ka mudan Wasiirrada kale (Super Ministers) ay khibrad soo qaateen, oo hadda ay ka dhowrsan doonaan dhaqanka aan waafaqsanayn dowlad wanaagga ee sababay in ay fashilanto Dowladdii ay hore uga tirsanaayeen, tanna ku sigay in ay dhicisto. Waxaan u rajeynayaa in Golahan iyo hoggaamiyihiisu ay noqdaan kuwo dalka u shaqeeya, iyagu is xaq dhowra, kala dambeeya, Madaxweynaha xaq dhowra ugana dambeeya waajibaadkiisa dastuuriga ah, runtana kula shaqeeya.

Waxaan u rajeynayaa in ay isku duubnaadaan, oo dalka ay gaarsiiyaan doorasho muwaaddin kastaa uu codkiisa dhiibto sannadka 2016. Ka muwaaddin ahaan waxaan Madaxda dalka ka dalbayaa in ay na tusaan in aanay khasab ahayn in dherigii fara badiyaa uu fuud xaraarnaado. Soomaaliya ha noolaato.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com