Tarsan oo ku gacan seeray xilkii looga magacaabay golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxmauud Axmed Nuur Tarsan, ayaa iska diiday xilkii looga magacaabayo golaha wasiiada cusub ee Somalia.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa Tarsan u magacaabay wasiir ku xigeenka cayaaraha iyo dhallinyarada.

Si kastaba Tarsan, oo la hadlay TV-ga Universal, ayaa sheegay inuusan xilkaas qabaneyn, islamarkaana aysan jirin cid kala tashatay oo la iska magacaabay isaga oo aan lala hadal.

“Ma doonayo xilkaas, mana qabanayo, ciddii i magacowday ayadaa taqaan qofkii howshaas u qabanaysa” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan, waxa uu sheegay in maanta uu Muqdisho ku qaban doono shir xaaasi ah, oo uu arrintan kusii faah faahin doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com