Tarsan oo ka mid ah golaha wasiirada (Yaa loo wadaa gobolka BANAADIR?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ka mid noqday golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Tarsan, ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka cayaaraha ee xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Warar xog ogaal oo horudhac ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Tarsan uu dhowaan wareejin doono xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho.

Tani waxa ay ka dambeysay cadaadis beesha Abgaal ay saartay madaxweynaha, ayada oo dooneysa xilkaas.

Tarsan, kama foga Abgaal, waa Mudulood, gaar ahaan Ujeejeen Cusmaan oo Abgaal la dhashay, hase yeeshee waxaa jira sababo kale oo xil ka qaadistiisa soo socota saaciday, sida isaga oo marar badan dowladda iyo madaxdeeda weeraray.

Waxaa hadda xilkan ku loolamaya beelaha Wacbuudhan oo ah beesha deegaan ahaan ku badan Muqdisho iyo Harti-Abgaal.

Maadaama Harti-Abgaal ay maamulaan gobolka Shabeelaha Dhexe oo guddoomiyihiisa uu kasoo jeeda, waxaa xogta ay leedahay in xilka gobolka Banaadir la siin doono Wacbuudhan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com