Xasan Sh oo shaaciyey go’aankiisa ku aadan golaha wasiirada R/W C/Weli Sh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa manta aqbalay soo jeedintii Ra’iisul Wasaaraha ee Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban shaqsiyaad khibrad iyo waayo aragnimo leh.

War-saxaafadeed xafiiska madaxweynaha uu soo gaarsiiyey Caasimada Online, ayaa u qornaa sidan:-

“Waxaan aqbalay Ra’iisul Wasaaraha soo jeedintiisii ee Golaha Wasiirada cusub ee uu soo xulay oo matala dhammaan gobolada dalka. Golahan Wasiiradu waxey heystaan kalsoonideyda. Golahan Wsiirada waxaa sugaya howl aad u culus oo looga baahanyahay inay dhameystiraan dib-u-habeynta iyo dib u dhiska uu dalku u baahanyahay” ayuu yiri

Waxa uu sii raaciyey “Ra’iisul Wassare Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed waxuu heystaa taageeradeyda buuxda, waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u xaqiijinayaa inaan ognahay howlaha culus ee na horyaalla. Waxaana idiin caddeyneynaa sida ay nooga go’antahay isbedel dhab ah oo muuqda, isla markaana la dareemi karo, shacabkuna ay aamini karaan.”

“Waxaan rumeysannahay in Xukuumaddan cusub ay horyaalaan caqabado fara badan. Waxaana u baahanahay in xasilinta iyo amniga la sii dar-dargeliyo, la horumariyo adeegyada bulshada, dar-dar gelin lagu sameeyo maamulka iyo maareynta maaliyada, iyo sidii dib u dhiska dalka looga shaqeyn lahaa”.

“Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan oo ay ansixiyaan, si Xukuumaddu ay u dar-dar geliso qorshaha siyaasadda, amniga, dib u habeynta maaliyadda iyo adeegyada bulshada, oo muhiim u ah xasilinta iyo horumarka Soomaaliya”

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com