Maxaa ku so kordhay shirka Somalia iyo maamulka S/L uga socda Istanbul?

Istanbuul (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Stanbul ee dalka Turkiga ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu halkaas maalintii labaad ka bilaawday shirka wadatashiga DF Somalia iyo maamulka Somaliland.

Wadahadaladaan u socda Somalia iyo Somaliland ayaa waxa ay shalay labada dhinac isla afgarteen in ay soo qortaan ajandihii ay kaga hadli lahaayeen wadahadaldooda .

Wufuuda ka kala socota labada dhinac ayaa mid kasta waxa uu doonayaa in ay ka dhaadhiciyaan dhinaca kale habka ay u doonayaan in ay ku heshiiyaan DF Somalia iyo maamulka Somaliland .

Wufuuda ka socota DF Somalia ayaa iyaga isku dayaya in maamulka Somaliland ay ku qanciyaan in ay ka tanaasulaan in Somalia ay ka go’aan sidaas darteed ay halmeel ay ka wada tashtaan.

Dhanka kale Maamulka Somaliland ayaa waxa ay wadahadalkaan ka rajeenayaan in ay noqdaan maamul ka gooni ah DF Somalia isla markaana ay noqdan Dowlada gaar ah oo ka jirta Geeska Afrika.

Si kastaba Wadahadalada labada dhinac ayaa waxaa garwadeyn ka ah dowlada dalka Turkiga taas oo laba dhnac ka codsaneysa in ay gaaraan heshiis ay dadka Somaliyeed ku qancaan.

Wixii ku soo kordha Shirkaas waxaad ku aqrisan doontaan warkeena soo socda haduu alle idmo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com