Magacabista wasiirada oo u xayirneyd Shariif Xasan oo liiska lagu soo daray

Muqdisho (Caasimada Onlien) – Caasimada Online, ayaa ogaatay in caqabadda haysatay magacaabista golaha wasiirada ay tahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo liiska golaha wasiirada lagu soo daray.

Xubno ku sugan Villa Somalia, oo goor dhow telefoon kula hadlay tifaftiraha Caasimada Online, ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Xasan Sheekh uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli ku qasbay inuu wasiirada kusoo daro Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha ayaa sida ay Caasimada Online horey shaaca uga qaaday waxa uu dhowaan saaxiib la ahaa Shariif Xasan oo ka caawiyey riditaankii ra’iisul wasaare Saacid iyo carqaladeynta shirka Baydhaba, oo madaxtooyada ay kasoo hrjeedo.

Waxa uu madaxweynaha Shariif Xasan ka ballan qaaday wasiirka ganacsiga, sidaan horey u sheegnay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa la sheegay in xalay uu aqbalay magacaabista Shariif Xasan, balse uu saacadihii ugu dambeeyey kasoo horjeestay kuna gacan seeray dalabkii madaxweynaha.

Cabdi Weli ayaa isaga oo carreysan kasoo baxay xafiiska madaxweynaha khamiistii, kadibna aaday xafiiska Jawaari, una sheegay wixii uu kala soo kulmay madaxweynaha.

Jawaari, ayaa isna si aad ah uga soo horjeestay Shariif Xasan, una sheegay Cabdi Weli inuu garab taagan yahay, waxaana kadib ay labadooda u tageen Xasan Sheekh, una sheegeen in haddii uusan ka tanaasulin arrintan, ay diyaar u yihiin dagaal siyaasadeed.

Jawaari, ayaa u arka haddii Shariif Xasan mar kale uu dowladda kusoo laabto, oo uu saameyn yeesho inuu halis ku noqon karo kursigiisa, waana taas sababta uu ula saftay ra’iisul wasaaraha.

Caqabadda jirta ee kale, ayaa waxa ay tahay in beesha Habar-Gidir, oo laba wasiir laga ballan qaaday, uu xilli dambe ku gacan seeray Xasan Sheekh, taas oo keentay in ra’iisul wasaaraha ay is qabtaan.

Ma cadda, haddii laga heshiisyey arrinta Shariif Xasan, balse waxaa iminka billaabatay munaasabadda magacaabista, waana arki doonnaa hadduu liiska ku jiro iyo in kale.

Caasimada Online, ayaa xog badan raadineysaa fadlan hanaga dheeraan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdiho

Caasimada@live.com