QM oo soo dhaweysay Magacaabista Wasiirada DF Somalia

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa ka hadlay sida QM ay u arkeen Wasiiradii uu xalay ku dhawaaqay RW C/wali Sheekh Axmed .

Nicholas Kay ayaa sheegay in QM ay soo dhaweyneyso xubnaha Wasiiradaan Cusub waxa uuna Tilaamamay in loo bahaan yahay in Baarlamaanka Somalia ay ansixiyaan .

Kay ayaa sheegay in Wasiiradaan ay noqon doonaan kuwa wada shaqeyn buuxda laleh QM isla markaana ay ka kaalmeyn doonaan dhinac kasta oo ku aadan danka howlahooda.

Sidoo kale Kay ayaa sheegay in xukuumadaan cusub looga fadhiyo sidii ay u dardar galin laheyd howlaha looga fadhiyo waxa uuna ku baaqay in ay dardar galiyaan sidii doorasho xur ah ay Somalia ugu dhici laheyd.

Ugu danbeyntii Kay ayaa wasiiradaan ugu baaqay in ay u adkeystaan xaalad kasta oo la soo daristo maadaama ay ka shaqeynayaan wadan ay dhibaato adag oo dhanka amaanka ay ka jirto.