R/W oo xafiiska uga soo baxay Xasan iyo khilaaf ka taagan wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad adag ayaa ka taagan magacaabista Golaha Wasiirada, waxaana dib u dhac uu ku yimid ku dhawaaqista liiska xubnaha golaha wasiirada oo la filayay in galabta lagu dhawaaqo.

Sida ay ku waramayaan ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha kulan albaabada u xirnaa oo saacado badan qaatay uu ku dhamaaday fashil laguna kala booday.

Sida ay sheegayaan wararka waxaa la isku haayaa xubno ka mid ah Golaha Wasiirada oo xili danbe lagu soo daray liiska, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha uu diidan yahay xubno uu Madaxweynaha wato.

Saxaafadda oo galabta looga yeeray xarunta Madaxtooyada ayaa soo sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu kasoo baxay kulankii uu Madaxweynaha la lahaa, isagoo usoo dhaqaaqay xarunta Villa Hargeysa oo uu kullan albaabada u xeran yahay kula leeyahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Xildhibaano, siyaasiyiin iyo wariyeyaal ayaa ku sugan xarunta Madaxtooyada, kuwaasoo sugaya magacaabista, waxaana xaalka magacaabista Golaha Wasiirada u muuqdaa mid mugdi ku jira, oo ay wali la isku mari la’yahay.

Wariyeyaasha ku sugan xarunta Madaxtooyada ayaa soo sheegaya in xaalada ay tahay mid cakiran, dadka lagu casuumay iyo wariyeyaashana ay ku daaleen hoolka ay ku sugan yihiin.

Lama oga xaalada sida ay isu badali doonto, wax kastana waa la filan karaa, waxaana aad loo hadal hayaa ismari waaga ka taagan magacaabista golaha wasiirada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com