Wiil Soomaali ah oo u tartamaya billada Oscar ee la siiyo aktarka ugu fiican

Minneapolis (Caasimada Online) Magaalada Los Angeles ee dalka ee Maraykanka waxaa hadda ku sugan Barkhad Cabdinaasir Cabdi oo ah wiil Soomaali ah, una tartamaya abaalmarinta aktarka ugu wanaagsan filimada ee sannadkii horre, kaasoo la siinaayo abaalmarinta Oscar oo ah Jilaaga ugu fiican dhinaca filimka.

Barkhad ayaa ka mida ahaa dadka sidda weyn uga dhex muuqday Filimnkii “Captain Phillips.” kaasoo ka hadlaayay dhibaatada burcad-badeeda Soomaalida ay ku heyso maraakiibta caalamka ee isticmaala biyaha badweynta Hindiya.

Barkhad oo ah Soomaali jilay filimkii Capt_Philips-
Barkhad oo ah Soomaali jilay filimkii Capt_Philips-

Filimkan oo uu aktar ka yahay Tom Hanks, oo aktar weyn aadna looga yaqaano, Maraykanka ayaa u arkay Barqad in uu yahay qof kale ee ka soo bixi kara kaalinta looga baahnaa filimka.

Barkhad oo la hadlay VOA iyo BBC ayaa sheegay isagoo ku sugan Minnapulis in uu halkaas yimid Aktarka wada Filimka isagoo markaas raadinayay asktar kale oo matala burcad badeeda Soomaalida, waxaana uu tilmaamay in isaga u soo baxay.

Wuxuu u safray Malta iyo London halkaasoo qayb ka mid ah Filimka “Captain Phillips lagu sameeyay.

Waa 28-jir, ku dashay dal ay dagaallo halakeeyeen, wuxuu markii horre ahaa darwal Taksiile ah, isagoona siddii kale ka mid ah dhallinyarada Kaamirooyinka duuba ee ku sugan goobaha Studiyaasha ee Minneapolis oo ah halka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee Maraykanka ku nool.

Wuxuu soo waday inta uusan ku biirin Filimka “Captain Phillips. filim kale oo la dhaho Cayaalka Xaafadda, sidda uu sheegay Barkhad.

Abaalmarinta Osckarka ayaa la bixin doonaa bisha March ee sannadkan, waxaa hadda isugu soo haray afar aktar oo Barqad uu ku jirro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Caasimada@live.com