Wariye ka tirsan Caasimada Online oo warbixin cajiib kasoo qoray Hargeysa

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Hargeysa (Caasimada Online) Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, ayaa howllo shaqo u jooga magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, waxaana uu halkaas ku arkay arrimo dhowr ah.

Maxaa ka mid ah wax yaabaha uu soo arkay?

Wariyaha ayaa noo soo sheegay in markii ugu horreysay uu booqasho ku tagay magaalada Hargeysa horaantii bishan, isagoo booqday goobo muhiim ah oo magaalada ku yaalla.

Meelaha uu booqday waxaa ka mid suuqa weyn ee Hargeysa, wuxuuna soo sheegayaa in uu soo arkay dad badan oo dukaameesanaya kuwaasoo isgu jirra haween, rag iyo carruur.

“Suuqa aad buu u weynyahay, waxaan soo arkay dad badan oo faraxsan oo dukaameesanaya kuwaasoo wax cabsi aysan ka muuqan, inta badan goobaha lagu ganacsanaayo waa ku furan daah-furan oo dadku inta badan dhulka ayey alaabta ku iibiyaan iyo gaari gacano ay ku wadaan alaabaha ay iibinayaan” ayuu yiri Wariyahu.

Wariyuhu waxaa kaloo uu soo arkay dhismooyin waaweyn oo magaalada ku yaalla, kuwaasoo qaar ay yihiin goobo ganacsi iyo shirkaddo is-gaarsiin iyo Internet ah.

“Intii aan joogay magaalada waxan arkay dhismooyin  dhaadheer oo aad casri u ah, badankooda waa Hotelo dhawaan la dhisay iyo kuwa hadda dhismahooda uu socdo”

Lacagta, Doolarka iyo Soomaalilad

Magaalooyinka Somaliland waxaa laga isticmaalaa lacagta Somaliland Shilling, waana lacag qiimo leh marka loo eego tan Soomaalida.

Wariayaha ayaa sheegay in halkii dollar lagu sarifo toddobo kun oo Shilling Somaliland ah, waxaa kaloo laga isticmaalaa 500 oo Somaliland Shilling.

“Inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaad ku arkeysaa rag dhallinyaro u badan kuwaasoo wadooyinka ku haya lacagta Somaliland  Shilling oo iyaga ayaa sarifa, waddo kasta oo magaalada iyaga ayaa fadhiya” ayuu yiri wariyaha.

Goobaha boorarka waxaa lagu qoray in dadka lagu baraarujiyo in ay isticmaalaan lacagta Somaliland Shilling.

“Lacagta qalaad waxa ay abuurtaa sicir barar ee isticmaala lacagta aanu leenahay ee Somaliland Shilling iyada baro leh” boor siddaas uu ku qoran yahay ayaan arkay ayuu yiri wariyuhu.

Nabadgalyada iyo astaamaha lagu xardho goobaha ganacsiga

Wariyaha ayaa sheegay inta uu joogay magaalada Hargeysa inuusan arkin askar qoryo wata, marka laga reebo ciidamo boolis ah oo waardiyeeya xarumaha dowladda, waxaa kaloo uu sheegay in uu magaalada ku arkay ajaaniib fara badan oo kaligood socda oo aan la waardiyeeneynin kuwaasoo wax casbi ah aysan ka muuqan.

“Magaalada Hargeysa waxaan ku arkay ajaaniib faro badan, qaar baabuur ayey wateen kuwana waa ay lugeenayeen iyagoo cid la socota aysan jirin, ma arkeesid askari hub wata, waxaad arkeysaa ciidamo boolis ah oo sita budad” ayuu yiri wariyaha.

Astaamaha lagu xardho goobaha ganacsiga

Wariyaha ayaa tilmaamay goobaha ganacsiga ee maagalada Hargeysa in lagu xardhay magacyo Soomaali ah, oo ma arkeesid goobo ganacsi oo wata magac ajnebi ah, balse Muqdisho oo aan soo maray waxaan ku arkay goob ganacsi oo lagu qoray magacooda Ingilis ama la baxay magac shisheeye” ayuu yiri.

Wariyaha ayaa sheegay in uu soo arkay goobo taarikh u leh Somaliland, waxaana ka mid ah goob ay saaran tahay diyaarad burburtay, waxaana Somaliland ay u tahay goob taarikhi ah, waayo 18-ka May sannadkii 1988-kii ayaa dowladii Millitariga waxa ay halkaas ka geesatay xasuuq, waxaa kaloo goob u dhay halkaas iyana yaalla Kaaro la sheegay in ay lahaayeen ciidankiii dowladii nui

Siddee loola dhaqmaa dadka Soomaalida ee Hargeysa ku nool?

Wariyaha ayaa sheegay inta badan goobaha uu tagay si fiican looga soo dhaweeyay, mana arkin wax faquuq ah oo loo geesto Soomaalida ku nool Hargeysa” ayuu yiri.

“Waxaan tagay Makhaaxi xilligu waxa ay ahayd Salaada Maqrib, inta badan waa la xiraa goobaha ganacsiga ee magaalada, anniga iyo koox kale oo wariyaal ah waxa ay maamulka maqaayada noo oggolaadeen in ay aan wax ka cuno, dadkii kale ee magaalada Joogay waxaa loo sheegay marka salaada ay dhammaado in ay yimaadaan maqaayada” ayuu yiri.

Idaacadaha magaalada ku yaalla?

Magaalada waxaa ka shaqeesa labo Idaacad, mid waa Radio Hargeysa, oo marka laga soo taago Laanta Soomaaliga, waxaa kaloo Idaacadda ka baxa luuqada Ingiriiska iyo Carabiga, waxaa kaaloo aan dhagestay ayuu yiri Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Radio Hargeysa, waxaana ka baxa uun qur’aan iyo duruus diini ah, waxaa kaloo FM-yo kuleh VOA IYO BBC.

“Inta badan Radio Hargeysa,barnaamijyada ka baxa waa ku ku tacaluga arrimaha Somaliland uun, wallow marka qaar ay ka hadleen arrimaha Soomaaliya, balse si dal kale ayey uga hadlaan sida Syria oo kale” ayuu yiri wariyaha.

Magaalada waxaa si weyn looga akhristaa Jaraa’idka, waxaana ka soo baxay dhowr jaraa’id oo qaar kood lagu tilmaamay kuwa mucaaradka.

“Waxaan saakay tagay goob ay ku hayeen dhallinyaro iibinaya wargeysyada ka soo baxa Hargeysa, waxaa durba la I dhahay ma waxaad rabtaa kuwa dowladda mise kuwa mucaaradka, dadku waxa ay akhristaan badnaa kuwa mucaaradka ay soo dabacaan ee dowladda lagu durro” ayuu yiri wariyaha.

Dad tiro yer oo dawarsanaya ayaan arkay

Wariyaha ayaa yiri magaalada inta aan joogay waxaan arkay dhowr qof oo dawarsanaya, waxaana badankood ay ka yimaadeen koonfurta Soomaaliya,kuwaasoo lagu arkaayo wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Masaajidyada oo qaar dumarka ay ku tukudaan

“Labo Masjid oo waaweyn ayaa magaalada ku yaalla, masjidka ugu weyn waxaa la dhahaa Masjidul Jaamac oo ku dhex yaalla suuqa bartamihiisa, waxaa dhowr dabaq masijdku, meelaha waxaa ay gaar u yihiin dumarka, oo kutukada” ayuu yiri wariyaha.

Masaajida aad ayaa loo camiraa ma jirto wax kala shaki ah oo ka dhex muuqda dadka ama casbi ah oo jirta, in kastoo masaajida la dhaho ma waxaad rabtaa kuwa Suufida mise kuwa kale.

Garoonka diyaaradaha Hargeysa

“Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal Internatinal Airports, dhawaan ayaa lagu sameeyay dayactir xooggan, siddaas oo ay tahay diyaarado waaweyn ma soo fadhiisan karaan, oo waxaa yimaada diyaradaha yeryer, markii aan tagayay diyaarado badan ma fadhin garoonka” ayuu yiri wariyihu.

Garoonka dadka yimaada waxaa loo kala qeybiyaa labo qayb oo kala ah, Wadaniyiin iyo Ajaaniib, tusaale haddii aad wadato Pasaboorka E Passport oo aad tahay Soomaali, waxaa lagula dhaqmayaa sidda qof ajnebi ah, haddii aad wadato baasaboorkii horre ee cagaarka oo aad tahay Soomaaliya, waxaa lagula dhaqmayaa sidda qof waddani ah.

Dumarka baabuurta wata iyo kuwa qayila

Magaalada Hargeysa aad ayaa loo keenaa qaadka, waxaana meel kasta ku arkeysaa buu yiri kabaro qaad lagu iibinaya saalada subax xiitaa, oo magaalada qaad lagama waayo

Wariyaha ayaa ugu dambeyn sheegay in uu magaalada ku arkay dumar badan oo baabuurta gacantooda kuwata, kuwaasoo magaalada ku mushaaxaya si nabad ah.

“Dumar badan oo baabuuro kuwata Hargeysa ayaan arkay, kuwaasoo aad u fara badan, wax khalkhal ah kama jirto, magaalada waxaa ka shaqeeya Basaska waaweyn

Qaadka oo aad looga cuno Hargeysa.

Qaadka ayaa si weyn looga cunaa magaalada Hargeysa, waxaana laga keenaa dalka Ethiopia, magaalada waxaa ku arkeysaa dumar cunaya, waxaana lagu arkaa goobaha maqaayadaha iyo goobaha la isugu yimaado.

Dharka la soo isticmaalay oo magaalada laga istcimaalo

Magaalada waxaa ku yaalla Hotelo waaweyn iyo dukaamo kuwaasoo lagu gado dharka, kabaha, dahabka iyo wax yaabo kale, siddaas oo ay tahay dadweynuhi waxa ay iibaadaan dharka la soo celiyo ee Soomaalida u taqaano Huundheeyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com