Wadahadallada DFS iyo Somaliland oo furmay “maxaa looga hadlay”?

Istanbul (Caasimada Online) Magaalada Stanbul ee dalka Turkiga, waxaa maanta oo Khamiis ah ka furmay wdahadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland kaasoo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga.

Shirka markii uu furmay waxaa goobta ka hadlay wasiirada arrimaha gudaha iyo dibedda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kuwaasoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu qabsoomo wajiga afarraad shirka labada dhinac.

Intaas kaddib waxaa labada dhinac ay iska dhex magacaabeen afar xubnood oo ah guddi farasamo kuwaasoo ka soo baaran dagga qoddobada laga hadli doono afarta cisho ee uu shirka soconayo.

Wasiirka arrimaha dibedda Ahmet Davutoglu oo furitaanka shirka joogay ayaa labada dhinac ka codsaday in ay ka faa’ideestaan afarta cisho ay shirayaan.

Dhinaca kale, wareesiyo lala yeeshay Cabdikariim Xuseen Guuleed oo hoggaaminaya ergada dawladda Soomaaliyam ayaa sheegay in ay filayaan in ay wax yaabo natiijo ka soo baxaan shirka labada dhinac, wuxuuna shacabka Soomaalida ka codsaday in ay ka warsugaan wadahadallada labada dhinac.

Sidoo kale waxaa la wareestay wasiirka arrirmaha dibedda ee maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, wuxuu tilmaamay in qoddobka gooni isku taaga Somaliland uu yahay mid muqadas oo ay doonayaan shacabka reer Somaliland “Gorgortan ma galaayo qoddobkaas” ayuu yiri.

Labada dhinac ayaa si weyn isugu khilaafsan midnimada Soomaaliya iyo gooni isu taagga Somaliland. waayo horrey waxaa ay ugu kulmeen London, Dubai iyo Turkiga qoddobkaasna wuxuu ahaa mid xasaasi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Stanbul

Caasimada@live.com