DHAGEYSO: Tarsan oo iska diiday xilkii looga magacaabay DF Soomaaliya

Kadib shir jaraa’id uu maanta Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qabtay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan ayaa diiday in uu qabto xil loo magacaabay.

Gudoomiye Tarsan ayaa sheegay in aysan jirin wax wadatashi ah oo lagala sameeyay xilkaan waxa uuna cadeeyay in si qaldan xilkaan loogu magacaabay sidaas darteed uusan diyaar u eheyn.

Gudoomiye Tarsan oo isaga loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha iyo dhalinyarada ayaa sheegay in uu san qaban doonin xilkaas isla markaana uu hada iska casilay.

Dhanka kale Tarsan ayaa sheegay in ay la yaab tahay isaga oo aan ogeyn in Wasiir laga dhigo sidaas darteed loo baahan yahay in wada tashi lala sameeyo qofka loo magacaabayo xil.

Ugu danbeyntii DF Somalia sababaha ay tarsan xilkaan ugu magacaawday ayaa waxa ay tahay iyada oo dooneysa in gabi ahaan ay ka qaado xilka Gudoomiyaha gobalka Banaadir oo ay dad badan ku heystaan.

Tarsan ayaa sheegay in xitaa hadii Wasiir laga dhigi lahaa uusan qaban laheyn xilkaas sidaas darteed uu xilkaas dib ugu celiyay R/wasaara C/wali Sheekh Axmed si uu qof kale ugu magacaabo.

Halkan ka dhageyso Tarsan

101015_001