Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta Airport, Nairobi oo uu qarax ka dhacay

Nairobi (Caasimada Online) War ay qortay Jimcaha maanta ah Wakaalada wararka AP, ayaa lagu sheegay in qarax uu ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta Airport ee magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Siddoo kale, wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya, ayaa iyana qoray in qaraxa uu ka dhacay goob ku dhex taalla gudaha garoonka diyaaradaha, mana la sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay.

Saraakiisha booliska waxaa kalo ay lee yihiin waxaa meel ku dhow garoonka lagu arkay baabuur ay ku taallo rasaas badan oo uu ku jirro nin meyd ah, kaasoo loo maleenaayo in ay toogteen ciidamada ammaanka oo saldhig ku leh waddo soo gasha garoonka diyaaradaha.

Ma jirto faah-faahin dheeraad ah oo laga helaayo qaraxa xaley ka dhacay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Siddoo kale, ma jirto wax khalkhal ah oo qaraxaas uu geestay garoonka diyaaradaha Nairobi, waxaana si caaddi ah u shaqeenaya howllaha garoonka.

Ammaanka Kenya ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan goobaha muhiimka wixii ka dambeeyay markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Wategate ee Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com