Wasiirkii labaad oo ka tirsanaa golaha wasiirada cusub oo xilka is-casilay

Muqdisho (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaa sheegaya in maanta oo Jimco ay is-casileen labo xubnood oo ka mid ah wasiiradda cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo xaley saqdii dhexe uu magacaabay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa diiday xilka wasiir ku-xigeenka ciyaaraha iyo dhalinyarada, wuxuuna tilmaamay in aan lagala tashan sidda uu hadalka u yiri.

Waxaa kaloo is casilay Cabdikaafi Xasan Macallin oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka biyaha iyo tamarta, wuxuuna shir jaraa’id oo uu qabtay uu sheegay in uusan diyaar u ahayd xilkaas, isla markaana uu doonayay in loo  magacaabo wasiir. “Anniga iyo beesha aan ka soo jeedno waan diidnay xilkaas mana qaadaneyno” ayuu yiri.

Ma cadda ilaa hadda wax yaabaha sababay in ay is-casilaan labadan wasiir ku xigeen, waxaana magaalada tan iyo markii xaley lagu dhawaaqay liiska golaha wasiirada cusub ka billowday kulamo gaar gaar ah oo looga hadlaayo arrintaas.

Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo xaley ka maqnaa xafladda wasiirada cusub
Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo xaley ka maqnaa xafladda magacaabista wasiirada cusub

Waxaa kaloo warar lagu kalsoon yahay ay lee yihiin qaar ka mid ah wasiirada la magacabaay ayaa is casili doonaa saacadaha soo socda, taasoo billow u ah fashil lala damacsan yahay xukuumada cusub ee ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Waxaa kaloo aan la ogeyn sidda loo ansixin doono wasiiradda iyo wasiiro ku xigeenka marka la horgeeyo baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com