Afar musharax oo 6 shardi oo adag ku xiray ka qeyb-galka doorashada Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Afar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Galmudug ayaa Jimce, 24 Janaayo 2020, waxay isugu yimaadeen kulan ay ku falanqeeyeen xaaladda murugsan ee Galmudug ka taagan, isla markaana ku qiimeeyeen natiijadii ka soo baxdey baaqyadii iyo codsiyadii musharxiintu ay horey u gudbiyeen.

Musharaxiinta kulankan isugu yimid ayaa kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Wehliye, Kamaal Daahir Guutaale, iyo Cabdi Axmed Cabdi Dheere.

Musharxiinta ayaa gebegebadii shirka waxay isla garteen in ay kaliya ka qeybgeli karaan doorashada lagu wado in Galmudug ay ka dhacdo todobaadyada soo socda haddii la helo shuruudo ka kooban 6 qodob.

Shuruudaha musharaxiinta ayaa waxaa ugu weyn In la sameeyo guddi doorasho cusub, kaasoo ay ku midaysan yihiin dhinacyada kala duwan ee ay doorashadu khusayso, ayadoo si wada-oggol ah la iskula meel-dhigayo jadwalka iyo habraacyada doorashada.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale dalbaday in Ahlu-Sunna Waljamaaca ay qeyb ka ahaato hanaanka iyo habsami u socodka hawlaha dhiman.

Waxa ay sidoo kale dalbadeen, In la helo dhinac 3-aad oo korjoogteeya arrimaha doorashada Galmudug, si looga hortago wax isdaba-marin, musuqmaasuq, laaluush iyo adeegsi awood loo isticmaalayo arrimaha doorashada iyo codbixiyaasha.

Hoos ka aqriso bayaan kasoo baxay musharaxiinta