Faah faahin: Aabe wiilkiisa curadka ahaa ku gowracay magaalada Jowhar xalay

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahinno ayaa ka soo baxay dil arxan darro ahaa oo Aabe xalay wiilkiisa ugu geystay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe.

Dhacdadaan xanuunka badan ayaa timid, kadib markii Aabe lagu magacaabo Cismaan Ibraahim uu wiilkiisii curadka ahaa oo la oran jirey Ibraahim Cismaan Ibraahim uu ku gowracay laanta Faanoole oo ka tirsan xaafadda Horseed ee magaaladaasi.

Marxuum Ibraahim ayaa 14 jir ahaa, sida ay Caasimada Online u  xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in sababta uu Aabahan u dilay wiilkiisa ay aheyd kadib markii uu booqday Hooyadiis oo ay Aabuhu kala tageen, islamarkaana uu ka carooday, isagoona markii dambe Mindi ku Gowrcay wiilka oo isla goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Aabe Cismaan Ibraahim oo goobta isaga baxsaday falka kadib mararka qaar laga qab jiray maskaxda, balse uu wanaagsanaa sanadihii u dambeeyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle, gaar ahaan kan degmada Jowhar ayaa falka kadib tegay guriga Qoyskaas oo ay xalay dhacdadu ka dhacday.

Dhinaca kale taliyaha Booliska Jowhar, Maxamed Siyaad Cali (Canjeex) ayaa sheegay inay Aabaha dilka geystay ka soo qabteen duleedka magaaladaasi, kadib howlgal ka daba tag ah oo ay ka sameeyeen halkaasi

Dhacdadaan oo murugo badan ku reegtay dadka deegaanka ayaa waxaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka HirShabelle.