Afar qodob oo hortaagan doorashada golaha shacabka

Muqdisho (Caasumada Online) – Iyada oo lasoo gabagabeeyey doorashadii  aqalka sare ee baarlamaanka 11-aad,  qaadatayna 4 bil ayaa waxaa dhaqaaqi la’ middii golaha shacabka ee ka kooban ilaa 275 xildhibaan taasi oo loo aaneynayo sababo badan oo isbiirsaday.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso ilaa 4 Sabab oo ugu Waawweyn sababaha hortaagan doorashada:

Diidmada Labo Deegaan Doorasho: Xogo aanu ka helnay madaxtooyooyinka maamul goboleedyada qaar ayaa sheegaya in doorashada aqalka hoose ay u bilaaban la’dahay sababo la xiriira labo oo deegaan doorasho, iyada oo maamul goboleedyada intooda badan ay doonayaan in doorashada golaha shacabka lagu qabto caasimadaha maamul goboleedyada, oo laga daayo labada deegaan doorasho.

Maalgelinta La’aanta Doorashada: Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada waxaa muuqata in aaney dooneyn maalgelinta doorashada Soomaaliya iyo iney jeebkooda wax kasii qabtaan iyada oo la sugayo $27 Milyan ee maalgelinta doorashada halka kooxda beesha caalamiga ahna ay lacagta doorashada bixinteeda ku xirtay shuruud  ah in ay aragto doorasho hufan, oo ugu yaraan saddex maamul goboleed si caadi ah uga socota.

Amniga iyo Awood Laáanta maamullada: Caqabada 3-aad ee doorashada heysato waa khilaafaadka iyo arrimaha amniga iyada oo maamulka Jubbaland aanu tagi karin Gedo, Hirshabellana ku adagtahay Beledweyn, waxaa intaa dheer dagaallada ka socda Galmudug, Baraawe oo go’doon ah iyo arrimo kale.

Kalsooni La’aan DF iyo Dowlad Goboleedyada ah: Waxaa jirta kalsooni darro u dhaxeysa dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada oo la xiriirta xoogista kuraasta golaha shacabka, cid gaar ah in loo xiro, hufnaanta iyo arrimo kale.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in doorashada golaha shacabka ay gaarto ilaa Febraayada 2022, taasi oo ka dhigan in Farmaajo uu Villa Somalia joogayo sanad dheeraad ah, keeni kartana in midowga musharaxiinta ay ku fekeraan tallaabooyin ka dhan ah muddo kordhintaas dadban.