ROOBLE ‘oo ku guuleystay’ qorshihii uu u tegay Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo xalay khudbad ka jeediyey casho sharaf loogu sameeyey magaalada Dhuusomareeb, ayaa sheegay inuu ku guuleysatay qorshihii uu u tegay deegaanada Galmudug.

“Howlihii aan u imid Galmudug ee arrinta doorashadu ugu muhiimsaneyd waxay ku dhammaadeen guul. Waan ku ammaanayaa madaxweyne Qoor Qoor in uu xilli dhow u qabtay bilaabista doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka,” ayuu yiri Rooble.

“Dowlad-goboleedka Galmudug waxaan garab ugu nahay hirgelinta dowladnimada, nidaamka iyo kala dambeynta si bulshada deegaanku horumar u gaarto.”

Rooble ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada kale inay sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabaan qabashada doorashada golaha shacabka.

Rooble ayaa la filayaa in sidoo kale uu booqasho ku tago caasimadaha maamul goboleedyada kale, si u u dhiiri-geliyo in la billaabo doorashada golaha shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaalida ay ceeb kala kulantay doorashooyinka daba dheeraaday, isaga oo sheegay in maalin kasta ay beesha caalamka weydiinayaan sababta ay u qaban la’yihiin doorashada. 

Xubnaha beesha caalamka ayaa dalbaday in doorashada golaha shacabka lagu soo dhammeeyo kahor dhammaadka sanadkan 2021, taasi oo aad u adag marka la eego muddada ay qaadatay doorashada Aqalka Sare. 

Dhinaca kale, Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ka fakaraya inay ku dhowaaqaan gole qaran oo dalka maamula haddii aan doorashada golaha shacabka lagu soo geba-gebeyn illaa dhammaadka sanadkan.