Ciidamo badan oo ka soo goostay Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyay…

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamo badan oo ka tirsan Somaliland ayaa maanta u goostay dhanka ciidanka Jabhada SSC ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Boqolaalka Askari ee kasoo goostay Soamlialnd ayaa watay hub fara-badan iyo Gaadiid dagaal, waxayna si rasmi ah Jabhada SSC uga biireen magaalada Buuhoodle.

Saraakiil ka tirsan Jabhadda SSC oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxay sheegeen in duruufo kala duwan oo jira ay uga soo baxeen kamid ahaanshaha Ciidamada Somaliland.

SSC ayaa waxay goobo kala duwan uga sugan taahy gobolka Cayn, tan iyo markii la aas-aasay oo ay isku fidineysay deegaanadaas, waxayn dagaal adag kula jirta xukuumadda Somaliland.

Ciidamadaan u goostay dhanka SSC ayaa waxay Somaliland uga howl-gali jireen deegaano ka tirsan gobolka Sool. Mana aha markii u horeysay ee ciidamo ka tirsan maamulka uu u goosto jiho kale.