Ganacsatada Soomaalida ee magaalada Ankara ee Turkey oo amar culus la dul dhigay

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa dhawaan amar cusub kusoo rogay Ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalkaas, gaar ahaan kuwa magaalada Ankara.

Ganacsatadda Soomaaliyeed ee Ankara qaarkood ayaa waxay laamaha amaanka ku wargeliyeen iney ka guuraan xaafada lagu magacaabo Kizilay oo ku taal badhtamaha magaaladaas, taasi oo noqotay xuddunta ganacsiyada Soomaalida ee garabka isku wada haya.

Dhibta u weyn ee xiligan wajahayaan Ganacstada Soomaaliyeed ee Ankara ayaa ah arrimo dhanka sharciga ah, waxaana la xiray tiro meherado ganacsi ah, halka dadkii ka shaqaynayeyna qaarkood xabsiga loo taxaabay, kuwa kalena la masaafuriyey.

Sidoo kale Soomaalida ku ganacsta Kizilay ayaa lagu haysta wax lagu macneeyay hab-dhaqan xumo ay bulshada Soomaalida iskugu timaado xaafadaas ku badatay, kuwaasi oo ay tabiyeen qaar kamid ah warbaahinta Turkiga.

“Sababta Kizilay loo beegsaday waa in aan ku badanay, waxaa la iisheegay in meesha wax qalad ah lagu gado,” ayuu yiri Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo ka hadlay waxyaabaha maamulka uu ku haysto ganacsatada Soomaalida ee xaafada Kizilay.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ee magaalada Ankara ayaa sidoo kale sheegay inay furan yihiin qaar kamid ah ganacsatada Soomaalida, halka kuwa qaarkood albaabada la iskugu dhuftay.

“Anaga oo u socona si xayn-xayn ah, marka aad tagto Kizilay waxaa loo socdo afar iyo qof, jidadkii Turkida ay marayeen ayaa la taagan yahay, shaaf ayaa meesha lagu cabayaa bakeerigii Shaaha laga cabay ayaa meesha lagu tuuraya.”

Si kastaba, Soomaalida ganacsiyada ku leh dalka Turkiga ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeyso badan, ha ugu darnaato dhanka sharciga iyo baaritaano kala duwan oo isdaba-joog ah.