Qoor Qoor oo ku dhowaaqay doorashada shan kursi oo ka mid ah golaha shacabka

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay ku dhowaaqay in maamulkiisa uu qabanayo doorashada shan kursi oo ka mid ah golaha shacabka.

Qoor Qoor ayaa hadalkan kaga dhowaaqay xafalad casho sharaf ah oo xalay loo sameeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna sheegay in doorashadaas la guda galayo maanta.

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Galmudug, waxaan diyaar u nahay in aan maalinta barri ah guda gali doono 5-ta xubnood ee ugu horreysa doorashada Aqalka hoose. Guddiga doorashada ayaan ka sugeynaa dardargelinta doorashada golaha shacabka BFS,” ayuu yiri Qoor Qoor. 

Qoor Qoor ayaa intaas ku daray in shantaas kursi ay calaameysan yihiin, islamarkaana soo saaristooda aysan qaadan doonin wax ka badan saddex maalmood.

Waxa uu faray guddiga doorashada heer gobo lee Galmudug inay isla maanta billaabaan isku keenista odayaasha qabaa’ilka shantaas kursi, si loogu dhowaaqo murashaxiinta. 

“Doorashada dalku waxay u tahay dawada kaliya ee maaanta hortaalla dowladnimada Soomaaliya, waa in doorashu dhacdo, oo doorashadu qabsoonto,” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor.

Maamulka Galmudug ayaa ahaa kii ugu dambeeyey ee dhameystira doorashada Aqalka Sare, waxaana Qoor Qoor lagu eedeeyey inuu si ula kac ah u dheereeyey doorashada Aqalka Sare isaga oo muddo kororsi dadban kala shaqeynaya Villa Somalia oo ay xulufo yihiin.