Afar qodob oo ku jira shirka Dhuusamareeb 3 oo dood iyo jahwareer abuuri kara

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa xalay la soo gaba gabeeyay shirkii madaxda dowladda iyo kuwa maamul gobaleedyada qaarkood uga socday caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb waxaana laga soo saaray 17 qodob.

Qodobada shirka ka soo baxay ayaa qaarkood waxaa durba ka hadal heyn xoog leh iyo su’aalo u baahan jawaab,  halka qaar ka mid ahna lagu sheegay inuu xadgudub ku yahay Aqalka Sare iyo dastuurka dalka.

Qodobada muranka sababi kara ama keeni kara doodo iyo aragtiyo kala duwan waxaa kamid ah.

1) – Qodobka 9-aad ee shirka ayaa sheegaya in doorashada looga dambeeyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, iyagoo kaashanaya maamul gobaleedyada. Qodobkaan ayaa jebinaya shuruucda dalka, sababtoo ah guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka waajibkooda waa qabashada doorasho qof iyo cod ah ama doorasho dadweyne ee ma aheyn awoodahooda qabashada doorasho dadban ama nuuc kale ee doorasho.

2) – Qodobka 11-aad ee shirka Dhuusamareeb ayaa sheegaya in doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare dooran doonaan Xildhibaanada maamul gobaleedyada sida sanadkii 2016-kii hadaba waxaa isweydiin leh, yaa dooranaya kuraasta 13-ka xubnood ah ee gobalka Banaadir mise markale ayuu gobalkaan weyn doonaa xuquuqdiisa siyaasadeed ee aqalka Sare.

3) – Qodobka 12-aad ee Shirka ayaa sheegaya in natiijada Shirka Dhuusamareeb la horgeeyo Golaha Shacabka ee baarlamanka waxeyna meesha ka saareen madaxdii shirka awoodda aqalka Sare, iyagoo ku soo koobay oo keliya Golaha Shacabka.

4) – Qodobka 5-aad ee Shirka Dhuusamareeb ee sheegaya in cod bixiyaasha 3 ilaa 5tii Kursi ee isku deegaanka ah la isku dhafo lana gaarsiiyo 1,500 oo qof waxeyna dhamaantood u codeynayaan kuraasta degmadaas taal. Arrintaan ayaa sababi karta jawhareer iyo walaac ka yimaada musharaaxiinta Xildhibaanada ee degaankaas maadaama uu cod ka raadinayo dad ka badan 3 laabka ergada beeshiisa.