Afar qodob oo sababay in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay tegaan Cadale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada qadiimiiga ee Cadale, taasoo dhacda xeebta gobolka Shabeelada Dhexe ee koofurta Soomaaliya.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh safarka waxaa ku wehliya Xildhibaano, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo degaanka ah oo ay ku jiraan odayaal dhaqan iyo ganacsatada Shabeellada Dhexe, waxayna halkaas soo joogi doonaan ilaa dhowr maalmood, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo kala duwan.

Xog rasmi ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in safarka Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya uu salka ku haayo afar qodob oo muhiim ah, kuwaasoo u baahan in si deg deg ah looga jawaabo. 

Afarta qodob ee sababay in Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh safar deg deg ah ku tagaan Cadale ayaa kala ah.

1- Doodda beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa xoogeestay dood ay qabaan beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone oo ay kuraas kala dhaxeyso beesha Maxamed Caroone oo laba jufo oo ka tirsan oo kala ah Agoonyar-Gaabane iyo Obakar-Gaabane ay haystaan laba kursi oo oo xildhibaan, waxayna doodda ku saabsaneed xuquuq ay sheegeen in laga duudsiiyay intii ay xilka haayeen Madaxweynayaasha maanta booqday ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Labadaan beel ee Cabdalla iyo Nugaale ayaa wax ku leh kuraasta ay ku fadhiyaan Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxayna Jowhar iyo Muqdisho ka billaabeen qeyla dhaan iyo eedeyn loo jeedinayo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, waana sababta keentay in safarkaas ay galaan labadaan mas’uul.

Waxaa la filayaa in ay xal u raadiyaan tabashooyinka beelahaan inta ay joogaan Cadale,  inkastoo ay ku geedaaman yihiin culeysyo badan. Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone waa labo Jufo oo aan wax dooran lana dooran wixii ka dambeeyay doorashadii Soomaaliya ee 2009-kii, waxaana kuraastooda la siiyay beelo kale oo ka tirsan beel-weynta Mudullood, sida ay ku doodeen.

Joojinta abaabul dagaal oo ka socda Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellada Dhexe waxaa la geeyay maleeshiyaad badan oo ka tirsan beelaha aan kor ku soo xusnay ee Cabdalla iyo Nugaale, kuwaas oo u diyaar garoobaya in aysan Jowhar ka dhicin doorasho haddii aan la xalin tabashadooda, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaas dagaal ka qarxo haddii aan la xalin xiisada taagan.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh uu ku war geliyay in labadaan beelood ay abaabul ka wadaan Jowhar, islamarkaana ay qasab tahay in ay ka qeyb-qaataan maadaama ay yihiin odayaasha Abgaal iyo Murashaxiin ka soo jeeda Beesha Abgaal, waana sababta 2-aad ee safarka loogu aaday Cadale oo ka tirsan Shabeellada Dhexe.

Abaabulka Kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa la filayaa in ay gobalka Shabeelada Dhexe iyo guud ahaan dhulka ay dagaan beel-weynta Abgaal ay ka bilaabaan kacdoon ka dhan ah Al-shabaab si degaanka loogu sameeyo hormarin iyo fursado shaqo abuur ah.

Dhowr jeer ayaa shirar ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale laga sheegay in Mudullood dhulkooda ay dhibaatooyin badan ku haayaan Al-Shabaab, taasina ay ceeb ku tahay beeshaan oo lagu tiriyo beelaha ugu awoodda, dhaqaalaha iyo dadka badan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa bilo ka hor shir ay Mudullood Muqdisho ku lahaayen ka sheegay in dhulka ay ka soo jeedaan uu la daalo dhacayo amni xumo iyo horumar la’aan waxaana la filayaa in uu dhowaan kacdoon ka bilaawdo gobalka.

Saameenta Beesha Abgaal iyo Murashaxnimada Xasan iyo Shariif

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo labadooduba ah Murashaxiinta ugu cad cad doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dhacayso sanadkaan waxay dadaal badan ugu jiraan in ay isku xirnaan iyo kalsooni ka dhax-abuuraan beelaha Hawiye, si gaar ah kuwa ay ka soo jeedaan ee Mudullood, taasoo la aaminsan yahay in caqabad ku noqon karto hadii aysan xalin tabashooyinka dhaxdooda doorashada Soomaaliya. 

Sidoo kale waxaa la filayaa in Murashaxiinta kale ee Hawiye ay dhankooda billaabaan isu keenida beelahooda maadaama uu jiro qorshayaal ay Villa Somalia la damacsantahay Murashaxiinta Hawiye, iyadoo ay xusid mudantahay in beelaha yaryar ee Hawiyaha ay sanadkan kicin ku waddo Villa Somalia. 

Lama oga waxa uu ku soo dhamaan doono safarka madaxdaan hase yeeshee waa mid kamid ah safaradii ugu muhiimsanaa oo ay galaan Shariif iyo Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay xilka ka dagaan sanadihii 2012-kii iyo 2017-kii.