Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirada Maaliyadda, Beeraha, Qorsheynta, Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan masuuliyiin kale ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Soomaaliya ee Sanduuqa IFAD.
Kulanka Wasiirrada Soomaaliya iyo Wakiilka Soomaaliya ee Sanduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka (IFAD) ayaa waxaa lagu gorfeeyay heshiis lagu maal-gelinayo horumarinta beeraha Soomaaliya.
Heshiiskan oo uu maal-galinayo Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee magaciisa loo soo gaabiyo IFAD, ayaa diirada lagu saaray kulanka, oo ugu dambeyntiina lagu saxiixay.
Kulanka kadib, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiiska mashruuca maal-galinta horumarineed ee beeraha Soomaaliya.
Mashruucan ayaa taageeri doona wax soo saarka beeraha dalkeenna, oo hadii ay helaan maal-galin rasmi ah qeyb weyn ka qaadan doona sare u qaadidda dakhliga dowladda.
Heshiiskan maal-galinta horumarineed ee beeraha Soomaaliya ayaa xilligaan muhiimad gaar ah u leh kor u qaadista wax soo saarka dalagyada kasoo go’a beeraha, si looga baaqsado masiibooyinka ay abaartu ka mid tahay, oo dhowr jeer kusoo laab-laabtay dalkeenna.