S/L: Aqoonsiga wadaniyadda ee dhimashada kadib

Hargeysa (Caasimada Online) – Muuse Biixi, hoggaamiyaha waqtiga ka dhamaaday ee Somaliland waxaa qodobka khaa’inu waddan ugu xukuman qof walba oo xil ka qabtay ama haddaba ka haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dadka reer Waqooyiga ah ee dowladda dhexe ee Soomaaliya u shaqeeya looma ogola inay qoysaskooda booqdaan, ama xitaa haddii ay geeri dhacdo inay ka qeyb-galaan tacsida.

Qofkii Muqdisho xil ka haya oo Hargeysa tega waa xadhig oo waxa uu nidaamka Somaliland u yaqaana qof ku kacay khiyaano qaran, tani waxay isa seejisay waalid iyo caruur badan, waxayna dad badan ku qasabtay ku noolaanshaha goobo ka fog ehelkooda ama in aanay xasillooni ku dareemin go’aankooda shaqo.

Laakiin caksigeeda qof walba oo Hargeysa xil kasoo qabtay ama haddaba ka haya xilliga uu doono ayuu Muqdisho tegi karaa, haddii uu doonana xil ka qaban karaa.

Dhowrkii cisho ee ugu dambeysay waxaa magaalada Hargeysa loo qaaday meydka Allaha u naxariistee Cabdinaasir Dahable oo la sheegay in Muqdisho lagu dilay iyo Xildhibaan hore Axmed Aadan.

Cabdinaasir waxa uu ahaa shaqaale sare oo ka tirsan hay’adda duulista rayidka ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya weli faah-faahin badan kama bixin geerida labada marxuum, waxayna sheegeen inay baaris u socoto, waxaase caksigeeda geerida weji siyaasadeed u yeelay maamulka Somaliland.

Eedda taliska Muuse Biixi waxaa dheeri ku aheyd inay dalbadeen in meydadka Hargeysa loo qaado, balse intii ay labadaasi marxuum noolaayeen maamulka Somaliland uma ogoleyn inay deegaanka tagaan.

Hoggaamiye Biixi ayaa ka qeyb-galay labada aas, wuxuuna u muujiyay inay ahaayeen geesiyaal u dhintay Somaliland oo waddaniyiin ahaa, laakiin hoggaamiyahan waxaa hortaalla dhowr su’aallood oo waaqica la socota.

Midda koowaad waxay tahay dadka maalintooda ayay dhimanayaan, waxaase kala duwan goobaha iyo sababaha. Balse geerida ka hor maxay maamulka Somaliland ka mudan yihiin dadka reer Waqooyiga ah ee shaqada iyo xilalka ka haya dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Midda labaad waa sidee qofku intuu nool yahay loogu aqoonsan karaa “khaa’inu waddani” maalinka uu dhintana u noqon karaa “waddani halyeey ah” sow taasi kama soo horjeedo damiirka caadiga ah.

Midda saddexaad waxay tahay intii hore waaba dhacday ee dadka maanta nool ee reer Waqooyiga ah ee xilalka iyo shaqada ka haya dowladda Soomaaliya ma la siin karaa aqoonsi waddaniyadeed ama xitaa xoriyad ay qoysaskooda ku booqan karaan mise marka ay dhintaan ayaa loo soo celin doona xuquuqdooda muwaadinimo.

Labadii geeri ee dhawaan dhacday inkasta oo ay baaristooda socoto, haddana cashir ayaa ugu sugan maamulka Somaliland, kaas oo ah in wax laga beddelo habka loola macaamilo dadka gobollada Waqooyi kasoo jeeda ee shaqada iyo xilalka ka haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inta ay nool yihiin.