Qorshaha safarka XASAN SHEEKH ee Turkiga + Sawirro

Antalya (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaasi oo uga qeyb-gali doono shir muhiim ah.

Madaxweyne Xasan ayaa ka qeyb-galaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya, wuxuuna mudada uu joogo halkaasi uu kulamo muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa horay uga qeyb-galay meertada 6-aad ee shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada Nirobi ee dalka Kenya, kaasi oo diirada lagu saaray isbaddalka cimilada adduunka ee xilligaan.

Socdaalka madaxweyne Xasan ayaa imanaya xilli ay dhawaan Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen heshiis difaac oo xasaasi ah, kaasi oo ku qotoma ammaanka badda Soomaaliya.

Heshiiskaasi ayaa sidoo kale dhaqan-gal noqday kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiska difaac ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay mid Soomaaliya gaarsiin doona inay dhisato ciidan badeed ku filnaada difaaca baddeenna, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.