Afar waxyaabood oo laga bartay doorashadii xalay ee guddoomiyaha baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Maxamuud Nuur (Madoobe) ayaa loo doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.

Doorasho saacado badan qaadatay oo xalay ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa muujisay sida aysan codadka xildhibaanada u mideysneyn iyo halka ay siyaasadda dalka ku wajahan tahay.

Wareegii hore ee codeynta doorashda guddoomiyaha Golaha Shacabka waxay dhammaan tartamayaasha heleen codad, balse afarta qof ee ugu horeysay ayaa noqday Xasan Cabdinuur oo ka socday dhanka madaxweyne Farmaajo, Sheekh Aadan Madoobe oo ay dhisayeen Shariif Sheekh Aadan, Xasan Sheekh Maxamuud, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, kaalmaha Sedexaad iyo afar waxaa galay Cabdullaahi Black iyo Aadan Sarandsoor oo mushariixiinta qaar ay kaalmo siyaasadeed siinayeen.

Sheekh Aadan Madoobe 74 cod, Xasan Cabdinuur 98 cod, Cabdullaahi Black 33 Cod iyo Aadan Saransoor oo 23 Cod helay ayuu noqday wareegii hore ee doorashada.

Waxaa loo baahday wareeg Labaad, Labada Musharax ee Aadan Saransoor iyo Cabdullaaho Black ayaa ka haray tartanka iyagoo sheegay inay u tanaasuleen Sheekh Aadan Maxamed Nuur, weliba si aan looga baran doorashooyinka Soomaaliya waxay toos u sheegeen musharaxa ay rabaan in codadkooda loo wareejiyo.

Wareegii labaad ee doorashada waxaa ka dhacay wacadaro aan la qiyaasi karin, duullaan aan loo kala harin ayaa lagu qaaday madaxweyne Farmaajo iyo musharaxoodii Xasan Cabdinuur.

Wareegii Labaad ee doorashada Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa helay 163 cod halka uu Xasan Cabdinuur helay 89 cod. Sidaas Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Waxay aheyd dharbaaxo culus oo ku dhacday kooxda madaxweyne Farmaajo, taasi oo hoggaanka dalka heysatay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Xasan Cabdinuur wuxuu lumiyey 9 cod oo kamid ah codadkii uu helay wareegii hore.

Haddaba waxaan eegeynaa waxyaabihii dhacay ee laga bartay doorashada guddoonka Golaha Shacabka:

1- Tabarta madaxweyne Farmaajo

Kooxda madaxweyne Farmaajo oo ay ku jiraan madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa xalay la kumay natiijo aan u fiicneyn inta ka dhiman halgankooda.

Dadka qaar waxay natiijadii xalay ee doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ku cabirayaan natiijada soo socota ee doorashada madaxweynaha. Waa farriin cabsi gelineysa dadka doonaya inay Farmaajo lasii joogaan siyaasad ahaan.

2- Awoodda isbaddal doonka

Doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee xalay waxay muujisay in Golaha Shacabka ay ku badan yihiin xildhibaanada doonaya in dalku aado isbadal hoggaamineed.

Mar walba xilliga doorashada Soomaaliya waxay xildhibaanada cusub u badan yihiin kuwa doonayo isbadal, golaha ayaana xalay taas muujiyey.

Inuu isbadal doonka xoogeysto uma fiicno nidaamka weli ku haray Villa Somalia. Xildhibaanada inkastoo loolanka kursiga madaxweynaha ay ku kala aragti duwan yihiin haddana mar kasta isbadalka ayey ku mideysan yihiin xilliyadaan oo kale.

3- Sida codadka u kala firirsan yihiin

Wareegii hore ee Doorashadii xalay waxay muujisay sida ay codadka xildhibaanada u kala firirsan yihiin. Musharax walba wuxuu helay codad wareegii hore ee doorashadii xalay.

Isbaheysiga Sheekh Aadan Madoobe caawinayey wareegii hore ee doorashada oo ahaa Saciid Deni, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe waxay keeneyn 74 Cod halka kooxda madaxweyne Farmaajo keeneyn 98 cod, iyadoo codadka kale loo arko inay leeyihiin musharixiinta kale.

Firirsanaanta codadka waxay dib usii dhigeysaa saadaasha kursiga madaxweynaha.

4- Fursadda uu heysto qofkii Farmaajo ku xigsada doorashada madaxweynaha

Haddii ay dhacdo in madaxweyne Farmaajo uu hoggaamiyo codadka doorashada, qof kasta oo kusoo xigsada waxa uu heystaa fursad ballaaran, waxaana xalay muuqatay inuusan is badalin dhaqankii ahaa in awoodda la isugu geeyo in la badalo nidaamkii talinayey.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa horey usoo hoggaamiyey baarlamaanka Soomaaliya markii uu ahaa 500 xubnood, wuxuuna sidoo kale soo noqday ku-sime madaxweyne markii uu xilka iska casilay Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.