Ku dhawaan 2 milyan oo qof oo Somaliland ku wajahaya xaalad halis ah (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shaaciyay inay korortay baaxadda abaarta saamaysay dadka iyo duunyada ku dhaqan Somaliland.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay wehelinayaan xubno kamid ah guddida gurmadka abaaraha oo saxaafadda kula hadlay gudaha qasriga madaxtooyada, ayaa sheegay in abaarta ay saameysay in ka badan 1.5 Milyan (Hal milyan iyo badh) qof, ayna wajahayaan xaalad adag.

“Dalka waxa ka jirta abaar baahsan oo dal iyo dadba saamaysay, taas oo sii adkaatay marka maanta loo eego, iyada oo abaartaas saamaynteedu ka timi labadii xilli-roobaad ee ina dhaafay oo roobku aad u yaraa, saacaddaa aynu joogno oo gu’gii aynu bil ku jirno roobkii aynaan haynin, meelaha uu ka da’ayna ay aad u yar tahay,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in xukuumaddu dedaallo badan gelisay sidii loogu gurman lahaa dadka abaarta ku tabaaloobay, islamarkaana biyo raashin tiro badan ay qaybisay, balse ay hawshaasi ka baaxad badatay intii hore, loona baahan yahay isku tashi bulsho iyo midnimo gudo iyo dibadba ah oo lagu taakulaynayo dadka iyo duunyada abaartu saamaysay.

Ugu dambeyntiina waxa uu bulshada reer Somalilnad ugu baaqay inay caawiyaan dadka abaarta ku tabaaloobay, isaga oo hay’adaha caalamiga ahna ugu baaqay inay hoos u eegaan xaaladda abaareed ee kasii daraysa.