Galmudug oo baacsaneysa dadkii Bohol uga qeyb galay dhoolatuskii Ahlu-Sunna

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ka bilaabatay qabqabashada dadkii maalmo ka hor tegay degaanka Bohol, halkaas oo fariisin u ah ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Ciidamada booliska iyo nabad sugidda ee ka howlgala magaalooyinkaas ayaa sacadihii u dambeeyey soo xiray dad badan oo loo heysto inay Bohol uga qeyb galeen xaflado waaweyn oo ay dhigatay kooxda Ahlu-Sunna.

Dadkaan la baacsanayo ayaa degaanka Bohol uga qeyb galay xus ay Ahlu-Sunna u sameysay ciidamadii uga shahiiday dagaalladii ay kooxda Al-Shabaab kula galeen gobollada dhexe, dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Ciidamada booliska iyo nabad sugidda Galmudug oo adeegsanaya macluumaadyo gaar ah iyo tixraaca sawirrada iyo muuqaalladii laga duubay munaasabadii ka dhacday Bohol ayaa Guriceel iyo Dhuusamareeb ka bilaabay qabqabashada dadkaas.

Dad isugu jira haween, carruur iyo dhalinyaro xerow ah ayaa xabsiyada labadaas magaalo loo taxaabay, kuwaas oo qaarkood lagu eedeynayo inay Ahlu-Sunno hiil dhaqaale ku taageereen.

Sanad kasta 17-ka bisha Ramadaan Ahlu-Sunna ayaa dhigta munaasabado waaweyn oo ay ku xusayaan shuhadadii looga dilay dagaaladii qaraaraa oo ay la galeen Al-Shabaab.

Hase yeeshee munaasabadii sanadkaan ka dhacday Bohol oo ay ku muujiyeen cudud militeri oo aan laga filaneyn kooxda waxay xambaarsaneed fariin dagaal oo ku wajahan Galmudug iyo Al-Shabaab oo ah labo awoodood oo hor taagan xukunkooda.

Waxay soo bandhigeen dhalinyaro aad u hubeysan iyo qoryo u badan BKM iyo AK47, wuxuuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo munaasabadaas ka qeyb galay jeediyey hadallo kicin dadweyne u muuqday, isagoo dhaliilo waaweyn u soo jeediyey Al-Shabaab, Galmudug iyo dowladda dhexe, intaba.