AFEEY oo SOMALIA uga hiiliyay Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Wakiilka urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Kenya dano gaar ah ay ka leedahay dhismaha maamulka Jubba, isaga oo xusay in sheegashadaas ay tahay mid aan sal laheyn, ayna ka dambeeyaan dad aan doonaynin nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Afey oo wareysi ku saabsan shirka dib-u-heshiisiinta beelaha dega Gedo iyo Jubbooyinka uga warramayay wargeyska The Standard  ee ka soo baxa magaalada Nairobi, ayaa sheegay in dhismaha maamulka Jubba uu ka mid yahay maamullada waafaqsan arrimaha federaalka ee ay dowladda Soomaaliya ka hirgelinayso gobollada dalka.

Danjirahay ayaa sheegay in dadka ku nool gobolladaas ay doonayaan in ay dhistaan maamul, isla markaana Urur goboleedka IGAD uu ku hambalyaynayo in dadku ay qaataan nabadda iyo in ay xoojiyaan maamulka.

Maxamed Cabdi Afey ayaa sidoo kale sheegay in IGAD, ay ka qeyb qaadatay in ay hubka ka dhigaan ciidankii uu watay Col.Barre Aadan Shire (Hiiraale), isla markaana ay ku qanciyaan in ay ka qeyb galaan shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka, si looga hortago in markale la daadiyo dhiigga shacabka aan waxba galabsan.

Wakiilka ayaa xusay in dhismaha maamulka Jubba, uu tusaale u noqon doono maamul loo dhiso gobollada kale ee loo soo jeediyay in ay samaystaan maamul ay ku midaysan yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com