Afghanistan cashar noocee ayey Somalia u noqon kartaa?

Hordhac

Waxay ahayd 7:30 aroornimo saacadda magaalada Kabul, dayaaraddii aan lasocdey ayaa soo caga dhigatey dhabaha dayaaradaha ee Hamid Karzai International Airport. Wax yar kadib waxaan soo hor joogsadey sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka oo qaabilsan hubinta basaboorada bixiyana ogolaanshaha dalka lagu soo galo. Waxa uu i weydiiyey cidda aan u shaqeeyo; markii aan u sheegey ayuu haddana i weydiiyey “Qaramada Midoobey Kabul ma badbaadin doontaa?”. Intii aanan su’aashaa ka jawaabin ayaa sarkaal kale oo daaqada tiisa ku xigta fadhiya soo hadley wuxuuna yiri “mala socotaa in xaruntiina Herat maalintii shaley ay duqeeyeen?”

Waxaan debedda uga soo baxay dhismaha madaarka, darawalkii wadey gaari nooca aan xabaddu karin (Armored Vehicle) ayaa ii soo qaadey xarunta aanu ka deganahay Kabul. Intii aanu soo soconey wadada ayuu iiga sheekeeyey isbeddelada sida deg-degga ah u dhacaya iyo sida ay dadka Afghanku uga tiiraanyeysan yihiin. Waxaan weydiiyey in Talibanku iman karaan Kabul mar dhow, wuxuu igu yiri, miyaadan ogeyn inay dhex joogaan oo ay hawlgalkooda fulin karaan xiliga ay doonaan. Darawalka oo da’diisa aan ku qiyaasey 55 jir ayaa aad uga walaacsanaa mustaqbalka xaaskiisa, caruurtiisa iyo hooyadiisa oo da’ ah. Wuxuu igu yidhi hadaanu nahay reer Afghanistan waxaad moodaa inaanan nasiib badan lahayn.

Xaaladda Cakiran ee Afghansitan

Hadalada niyad jabka leh ee ninkaa darawalka ah igu yiri iyo su’aalihii ay i weydiiyeen saraakiisha waaxda socdaalkaba waxay ka tarajumayeen dareenka murugada leh ee dadka dalkan ay dagaaladu ragaadiyeen iyo hubanti la’aanta mustaqbalka malaayiin qof oo dalkani ku dhaqan. Laba cisho ka hor inta aanan Kabul kusoo noqon, xoogagga Talibanku waxay dhawr gantaal ku dhufteen xarun ay Qaramada Midoobey (QM) ku leedahay magaalada Herat, waxaa ku dhintey mid kamid ah ilaaladii xarunta oo Afghanistan u dhashey. Sidoo kale soo noqoshadeyda ayaa kusoo beegantey ayadoo ay dagaal xooggani kasocdaan saddex gobol oo kala ah Qandahaar, Herat iyo Lashkar Gah. Gobolladani saddexda ah ayaa ah kuwa istiraatiji u ah dhanka dakhliga, ganacsiga iyo hoggaaminta dalka ayadoo la xasuusto inay Qandahaar ahayd xarunta dowladdii ay Talibanku lahaayeen 20 sanadood ka hor. Dagaalada ka socda saddexdaa gobol ayaa qayb ka ahaa dadaalka ay xoogagga Talibanku ku doonayaan inay ku hantaan dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka ayadoo la og yahay in kabadan kala bar degmooyinka dalku inay gacanta ugu jiraan Taliban kana dhiseen maamulo ayaga taabacsan.

Saddex cisho kadib soo noqoshadeyda waxaa meel aan sidaa uga fogeyn goobta ay deggan yihiin diblomaasiyiinta dalka ku sugan oo loo yaqaano mandaqadda cagaaran (Green Zone) ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu weerarey laguna galey hoyga wasiirka gaashaandhigga Jeneral Bismillah Khan Mohammadi. Jeneraalka ayaa hoyga ka maqnaa hase ahaatee dableydii xoogga ku gashey dhulka aadka loo ilaaliyo waxay hoyga haysteen in kabadan afar saacadood oo rasaas culus iyo qaraxyaba ay ka socdeen.

Lix cisho kadib imaanshahayga waxaa bartamaha magaalada Kabul lagu diley agaasimaha warfaafinta ee dowladda fadhigeedu yahay Kabul. Todobaad kadibna waxay Talabanku qabsadeen xarumaha laba gobol oo ay kaabiga ku hayeen dhowr todobaad. Talibanka ayaa la filayaa inay hantaan gobolo badan oo kale ayagoo ka faa’iideysanaya niyad jabka ka muuqda ciidanka dowladda kuwaasoo iskaga cararaya xarumaha ay joogaan hubkooda iyo dharkoodana kaga tegaya saldhigyada ay joogaan. Waxaa la og yahay in dhawr kun oo ka tirsan ciidanka amniga ee waddanka ay u carareer waddamada jaarka ah kadib markii ay ka gudbeen xuduudaha ayagoo nafahooda la ordaya.

Isbeddelada xawliga ku socda waxay qeyb ka yihiin riyada xoogagga Talibanku ay ku doonayaan inay ku inqilaabaan dowladda, isla markaana ay ku hantaan hoggaanka dalka. Arintani ayaa ka dambeysey kadib markii maamulka Joe Biden uu bilaabey fulinta heshiis uu Talibanku la galay maamulkii kan ka horeeyey ee hoggaanka u hayey Donald Trump.

Khasaaraha Dagaalka Afghanistan

Dowladda Maraykanka iyo quwadaha bahwadaagta la ah ee Nato ayaa waddanka Afghanistan kusoo duuley kadib weerarkii September 11, 2011, kadib markii ay Talibanku diideen codsi uga yimi madaxweynihii xiligaa Maraykanka xukumayey, George W. Bush. Kumanaan kun oo ciidan oo u badan Maraykan ayaa waddanka yimi, waxay ka sameysteen saldhigyo waaweyn oo militeri ah. Howlgalka socdey 20ka sannadood ayaa Mareykanka uga baxey dhaqaale lagu qiyaasey 978 bilyan oo doolarka Mareykanka ah. 143.3 bilyan doolar oo ka tirsan lacagtani waxay mareykanku ku bixiyeen mashaariic dib u dhisid ah, in kabadan 88.3 bilyan doolar waxaa lagu bixiyey dhismaha ciidanka dowladda Afghanistan halka 36 bilyan doolar lagu bixiyey mashaariic lagu dhisayo maamul wanaagga, hufnaanta iyo horumarinta dalka. Marka loo soo gudbo dhanka khasaaraha nafeed, Mareykanka waxaa kaga dhintey waddanka Afghanistan tiro lagu qiyaasey 2,300 waxaana kaga dhaawacmey 20,660. Tiradaa ayaa aad uga yar tan laga diley ciidanka iyo bileyska waddanka Afghanistan 20kaa sanadood, waxaana lagu qiyaasey dhimashada ciidanka iyo booliskaba inay kor u dhaafeyso 64,100. Sidoo kale tirada dadka rayidka ah lagu diley Afghanistan 20kaa sanadood ayaa lagu qiyaasey in ku dhow 111,000 qof.

Khasaarahaa nafeed iyo mid dhaqaale ee intaa le’eg ayaa dhacay iyada oo rajo wayn ay dadka reer Afghanistan ka qabeen Mareykanka iyo xoogagga Nato in joogitaankooda dalkani uu horseedi doono in dalka uu yeesho dowlad dalka wada hanata oo dadka wada gaadhsiisa adeegyada asaasiga ah. Mareykanku waxay awood u yeesheen inay meesha ka saaraan dowladdii ay Talibanku hogaaminayeen waxayna caleema saareen dowlad uu hogaamiye ka noqdey Xaamid Karzaay kaasoo taageerayaasha Talibanku u arkayeen inuu daba dhilif u ahaa Mareykanka. Intaa wixii ka dambeeyey dalka waxa uu ka bixi waayey qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo joogta ah. Dowladihii kala dameeyey waxay ahaayeen kuwo fadhiid ah, Mareykankuna waxa uu la kaca kufayey weeraro ay kusoo qaadayeen Talibanka oo dib iskugu abaabuley buuraleyda dalka maadaama ay ka go’neyd inay awooddooda dib ula soo noqdaan. 

Wadahadallada Taliban iyo Mareykanka

Marka laga reebo dowladaha Sacuudi Carabiya, Baakistaan iyo Qatar ma jirin aqoonsi kale oo ay Talibanku ka haysteen caalamka, Mareykankuna waxa uu kasoo hor jeedey inuu la hadlo ama wada hadal lagalo Taliban maadaama ay u arkayeen inay xoog ku maquunin karaan. Hase ahaatee maamulkii uu hoggaaminayey Barack Obama ayaa 2010 wada hadal hoose la bilaabey Taliban, wada hadalkaa ayaa ujeedkiisu ahaa in la isweydaarsado maxaabiis labada dhinac ay kala haysteen. Si haddaba wada hadalaasu ay socdaan waxa uu maamulka Obama oggolaadey in Taliban ay xafiis ka furato waddanka Qatar oo ay awalba si qarsoodi ah u joogeen. Yoolkii maamulkii Obama ee ahaa inuu Taliban kula heshiiyo oo dagaalka lasoo af jaro ayaa guul dareystey waxaana halkiisa kasii socdey weerarada ay labada dhinac ay wadeen ayagoo ku dhex dagaalamayey shacabka. 

Maamulkii Donald Trump ayaa ku dhiiradey inuu si toos ah ula fariisto Taliban waxaana horraantii sannadkii 2020 magaalada Doha lagu saxeexey heshiis waddanka loogaga saarayo dhamaan ciidamada ajnebiga ah oo kakala socda Mareykanka iyo Nato muddo ku siman 14 bilood. Marka heshiiska la saxeexayey waxaa Mareykanka dalka ka joogey 12,000 askari kuwaasoo uu Trump ballan qaadey inuu saarayo. Waxaa kaloo heshiiska ku jirey in Taliban laga qaado cunaqabateynta Mareykanka iyo QM ay saareen; in la joojiyo weerarada ka dhanka ah Mareykanka iyo in la is weydaarsado maxaabiis tiradoodu lagu sheegey lix kun oo ka kala tirsanaa Taliban (shan kun dagaalame) iyo militeriga dowladda Afghanistan (kun askari). 

Heshiiska oo ay labada dhinac u kala saxeexeen Zalmay Khalilzad oo ah ergeyga Mareykanka u qaabilsan Afghanistan iyo Mullah Abdulghani Baradar oo metalayey Taliban ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mike Pompeo oo xiligaa ahaa xoghayaha arimaha debedda Mareykanka. Tani ayaa guul u aheyd Taliban oo ugu dambeyn ku khasbey Mareykanka iyo Nato inay dalka ka baxaan.

Dowladda fadhida Kabul oo ay Mareykanka iyo Nato taageerayeen ayaaney wax door ah ku laheyn heshiiska iyo wada hadaladii ka horeeyey, waxayna dad badan u arkayeen in Mareykanka iyo Nato ay muhimadda siinayaan inay helaan waddo ay dalka kaga baxaan wax kastoo khasaaro ay taasi la timaadaba.

Fulinta Heshiiska Taliban iyo Mareykan

Maamulka cusub ee Joe Biden ayaa bilaabey fulinta heshiiskaasi waxaana uu ku dhawaaqey in dhamaadka bisha August la saari doono dhamaan ciidanka Mareykanka Afghanistan ka jooga. Dad badan ayaa filayey in Biden uu dib u eegid ku sameyn doono heshiiskaa ama ugu yaraan uu dib u dhigi doono saarista ciidanka Mareykanka. Hase ahaatee Biden waxa uu ku adkeystey fulinta heshiiskaasi.

Bishii June ayaa madaxweynaha Afghanistan oo uu wehliyo ninka darajo ahaan asaga ku xiga, Abdallah Abdallah waxa uu Aqalka Cad kula kulmey Joe Biden. Tani waxay qeyb ka ahayd dadaalkii u dambeeyey oo uu Ghani ku doonayey inuu kaga dhaadhiciyo Biden in uu ugu yaraan dib u dhigo la bixidda ciidanka Marekanka; hase ahaatee Biden ayaa u direy fariin loo fasirtey in loo qaadan karey: tani waa mushkiladdiina, ma aha mushkiladeyda (this is your problem, this is not my problem), ciidankayaga way kaga baxayaan waddanka xiligii loo asteeyey. Taa beddelkeeda waxa uu ballan qaadey inuu sii wadi doono taageerada dowladda Afghanistan. Wixii intaa ka dambeeyey waxaa si qarsoodi ah u bilowdey saarista ciidanka Nato iyo Mareykanka oo la sheegey inaaney wax xidhiidh ah la sameyn madaxda ciidanka Afghanistan ka hor inta aaney ka bixin saldhigyadii ay waddanka ka joogeen. 

Talaabada ay qaadeen Mareykanka iyo Nato ayaa loo arkayey inay bahdilaad u aheyd dowladda madaxweyne Ghani waxayna niyad jab iyo murugo ka dhex dhalisey maamulka dowladda iyo kumanaanka kun ee qof oo shaqaale u badan tarjumaano u ahaa Mareykanka iyo Nato kuwaasoo nafahooda u baqayey. Dhanka kale waxay talaabadani guul u noqotey Taliban oo bilaabey guluf ay awooddeeda ku muujineyso kuna baahineyso xukunkeeda. Waxayna wadahadal ay lagalaan dowladda Ghani ku xireen shuruud ah inuu iska casilo jagada madaxweynenimo. Wixii intaa ka dambeeyey waxay Taliban la wareegeen in kabadan kala bar degmooyinka dalka waxaana ka go’an inay sii wadaan weerarada ilaa ay dagaalka keena xuduudaha Kabul halkaasoo ay doonayaan inay dowladda ku inqilaabaan. Reer galbeedka ayaa ahmiyadda koowaad siiyey ka bixidda dalka iyo inay burburiyaan dhamaan wixii qalab ahaa oo ay adeegsanayeen. Dadka Afghanistan in kastoo aaney jecleyn shisheeyaha haddana waxay talaabooyinka ay qaadeen reer galbeedka u arkayaan mid ayaga dhabarka looga toogtey loona nugleeyey Taliban oo ka go’an inay dhegta dhiigga u daraan cid kastoo lasoo shaqeysey Mareykan iyo Nato madani ama militeri midkuu doonaba ha ahaadee.

Mustaqblka waddanka ayaa mugdi ku jira waxaana la saadaalin karaa inay dowladdani dhacdo ama ay daciifto taasoo soo celin karta xukunkii adkaa ee Taliban.

Taliban ayaa leh maamul dhismeed u sameysan qaab dowladeed; Mawlawi Hibatullah Akhundzada ayaa ah hogaamiyaha leh awoodda kama dambeysta ah, waxaa kuxiga Mullah Abdulghani Baradar, Mullah Muhammad Yacquub iyo Siraajudiin Xaqaani oo kala qaabilsan arimaha siyaasadda, hoggaanka ciidamada iyo dhaqdhaqaaqa maliishiyaadka. Sidoo kale Taliban waxay leedahay dhisme garsoor oo ka kooban 26 xubnood waxaana madax u ah Mullah Cabdulxakiim. Taliban waxay leeyihiin gole wasiiro oo dusha kala socda hawl maalmeedka ciidamada, sirdoonka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arimaha bulshada. Taliban waxay xafiis siyaasadeed ku leeyihiin magaalada Doha waxaana madax ka ah ku xigeenka madaxa Taliban.

Soomaaliya maxay ka baran kartaa Afghanistan?

Soomaaliya waxaa ku sugan ciidan ku dhow 20 kun oo askari kuwaasoo ka kala yimi waddamada Afrika kuna shaqeeya howlgal loogu magac darey Howlka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).  Ciidankani ayaa waxay dalka u joogeen inay xasiliyaan, dowladda federaalka ka caawiyaan dhismaha ciidamaha iyo inay ilaaliyaan diblomaasiyiinta ku sugan dalka iyo xarumaha dowladda. Ciidamada AMISOM ayaa dalka yimi kadib markii uu Golaha Amaanka Qaramada Midoobey ku ansixiyey fadhigii ay yeesheen Bishii February 2007, wixii intaa ka dambeeyeyna waxaa mar wala la cusbooneysiinayey joogitaankooda dalka. 

Asaaskii AMISOM

Abuuritaanka AMISOM ayaa ka dambeeyey kadib markii dowladdii federaalka ee kumeel gaarka ahayd oo uu madaxweyne ka ahaa Alle ha u naxriistee Cabdillaahi Yuusuf Axmed ay codsatey ciidan ka taageera inay gasho caasimadda oo ay markaa xukumayeen xoogaggii maxaakiimta ee midoobey. Dowladihii ka dambeeyey tii uu madaxweyne ka ahaa Cabdillaahi Yuusuf ayaa taageero lagu tababarayo ciidamada booliska iyo militeriga ka heley waddamo badan kuwaasoo dhaqaale ahaan u taageerey ama toosba u tababarey ciidanka. In kastoo dhaqaale iyo waqti badan la geliyey dhismaha ciidanka Soomaliya haddana 14 sanadood kadib AMISOM waxay joogaan Soomaaliya waxayna dowladda Soomaaliya codsanaysaa in la taageero joogitaankooda dalka ayadoo lagu fashilmey dadaaladii ay dowladaha deeqda bixiya ku doonayeen dhisidda, tayada, iyo maamul wanaagga ciidanka. 

Maxay iskaga mid yihiin Al Shabaab iyo Taliban?

Si lamid ah sida Taliban ay xarakada hubeysan ee Al Shabaab (AS) waxay haystaan inta badan dhulka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya halkaasoo ay ka dhiseen maamulo, cashuuro ka qaadaan kuna ridaan xukuno ay kasoo saaraan garsoorkooda. Inkastoo hoggaamiyayaal badan laga diley, maxaabiis badan laga qabtey, saldhigyo badana laga burburiyey xoogagga AS ayaa muujiyey adkeysi waxayna weli laf dhuungashey ku yihiin dowladda oo ay ragaadiyeen musuq, maamul xumo baahdey, qabyaalad, xatooyo iyo danta shakhsiga oo laga sareysiiyo tan qaranka. Dowladaha dhaqaale ahaan taageera oo ay ugu muhimsan yihiin midowyga Yurub, Mareykan iyo qaar kamid ah dowladaha Afrika ayaa khaatiyaan ka taagaan hawlgalka daba dheeraadey oo aan la ogeyn xiliga lasoo af jari karo. Intii u dhaxeysey 2020 ilaa 2021 waxaa dhawr jeer lasoo jeediyey hindisayaal lagu dhimayo ciidamada AMISOM ama in loo muddeeyo waqti dalka lagaga saari karo; hase ahaatee waxay dowladda federaalku ku adkeysanaysey inaaney weli u diyaarsanayn inay hanato amaanka dalka. 

Maxay iskaga mid yihiin Somaaliya iyo Afghanistan?

Haddaba wadciga dalka Somaaliya marka loo eego kan Afghanistan waxaad moodaa inay jiraan meelo badan oo ay iskaga eg yihiin oo ay ugu horeyso fadhiidnimada dowladaha musuqa, eexda iyo xatooyadu ay ragaadiyeen; adkeysiga xoogagga Taliban iyo AS iyo daalka (fatigue) iyo adkeysi la’aanta ka muuqda dowladaha dhaqaalaha iyo loojistikada ka taageera Soomaaliya iyo kuwii ciidanka geeyey Afghanistan kuwaasoo cadaadis kala kulmaya shucuubtooda dhaqaalahoodana uu hoos u dhigey safmarka fayraska Koroona (COVID-19). Inkastoo Soomaaliya ay ku riyooneyso in haddii ay codsato sii joogitaanka AMISOM loo taageeri doono haddana waxay runtu tahay waxa kasocda Afghanistan inay madaxda Soomaalidu u noqon karaa baaq ay hurdada kaga toosaan (wakeup call). Maamulkii Donald Trump ayaa Somaaliya ka saarey khubaradii iyo saraakiishii ka joogey dalka; inkastoo ay u muuqato in dib loogu soo celiyey haddana tani ayaa loo arki karaa mid waqti dheer aan sii jiri Karin.

Dowlada dhaqaalaha ka caawiya Somaaliya uma diyaarasana inay taageeraan hawl gal aan dhamaad lahayn ama in ay dhaamiyaan haan gunta ka daloosha. Waxaa la saadaalin karaa arimaha soo socda: 

1- Dowladaha dhaqaalaha ka caawiya waxay waqti xaddidan u qaban karaan AMISOM in dalka looga saaro waxaana bilaabmaya saarid wajiyeysan (phased withdrawal) kaasoo socon kara inta u dhaxaysa 18 ilaa 24 bilood. Wixii intaa ka dambeeya dowladaha kamidka ah AMISOM isla markaana jaar la ah Soomaaliya sida Itooobiya, Kenya iyo Jabuuti waxay adkeynayaan xuduudahooda ayagoo xoogga saaraya in aanay halis uga iman dhanka Soomaaliya.

2- Marka la eego ciidamada kala dhantaalan (fragmented) oo ay soo tababareen dowladaha kala duwan kuwaasoo aan loo sameyn qaab isku dubbaridan ama hoggaan mideysan oo anshaxa iyo tayada ka hagaajiya, waxaa hubaal ah inay adkaan doonto in ciidankaasi hantaan awood ay dalka gacanta ku dhigaan. Musuqa, xatooyada iyo qabyaaladda ayaa ku noqonaya kansar aanay ka bogsan Karin.

3- Tani waxaa ka faa’iideysan doona xoogagga AS oo xoojin doona weerarooda isla markaana sameyn doona hawl galo laba qaybood ah oo is barbar socda kuwaasoo ay kula wareegayaan xarumaha dowlad goboleedyada tabarta daran oo aan lahayn ciidan tayeysan iyo hawlgal kale oo ay kusoo gelayaan caasimadda Muqdisho.

4- AS iskuma dayi doonaan iney xarun ka dhigtaan Muqdisho, hase ahaatee waxay cashuur ay dakhli ka sameeyaan ka qaadi doonaan sharikadaha, hay’adaha iyo ganacsatada. Sidoo kale waxay wakiilo sirdoon ah ku dhex yeelan doonaan hay’adaha dowladda. Tani waxay u sahleysaa inay xoojiyaan weerarooda qorsheysan iyo dagaalada ay kusoo qaadaan caasimadda.

5- Ugu dambeyn waxaa dhici karta inay dowladdu ku noqoto halkii ay taagneyd 15 sanadood ka hor taasoo ah inay noqoto dowlad aan lahayn dhul ay maamusho laakin kuraas kuleh kulamada caalamiga ah iyo saafaradaha debedda. 

Dr. Hussein Hassan
Hssn.hassan@icloud.com

Dr Hussein Hassan waa khabiir caalami ah oo dhanka bani’aadminimada ah; waxa uu 17kii sanadood ee u dambeeyey kasoo shaqeeyey waddama Yemen, Libya, Afghanistan iyo Somalia. Waxa uu khibrad u leeyahay waddamada ay shaqaaqooyinku ka jiraan. Waxaa uu gorgortan toos ah oo lagu fududeynayey howlgalada bani’aadminimada la galey xoogagga hubeysan ee Yaman iyo Libya.