Wararkii ugu dambeeyay ee isku shaandheynta uu sameynayo Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa dhawaan la filayaa in uu isku shaandheyn ballaaran ku sameeyo golaha xukuumadiisa, sida ay sheegayaan wararka laga helayo saraakiisha qasriga madaxtooyada Somalililand.

Isku shaandheynta uu sameynayo madaxweyne Biixi oo gallaafan doonta mas’uuliyiin badan ayaa waxaa xilalkooda ku waayi doona Wasiiro, Wasiiro ku-xigeeno, Agaasimayaal guud iyo Guddoomiyayaasha Hay’adda Dawlada qaarkood.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Biixi uu xilal ka bannaan Xukuumaddiisa uu buuxin doonno, kuwaasi oo ay ugu waaweyn yihiin xilka Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada oo uu kal hore iska casilay Yaasiin Faratoon iyo Afhayeenka Madaxtooyadda oo asaguna bannaan muddo ku dhaw toddoba bilood.

Sidoo kale waxaa lagu waramayaa inay dib u soo laaban doonaan wasiiro ka tirsan xukuumadiisa, kuwaasi oo ay madaxweynaha yihiin saaxiibo dhow, waxaana kamid ah Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin, Wasiir Siciid Sulub iyo Wasiir Saajin.

Dhinaca kale, isku shaandheynta la filayo inuu sameeyo Muuse Biixi ayaa waxaa dhankiisa ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, oo madaxweynaha ugu baaqay in uu soo dhiso gole wasiiro oo tayo leh.

Faysal Cali Waraabe ayaa uga digay Muuse Biixi in uu wasiirada xukuumadiisa uu kusoo xusho nin jecleysi iyo qabyaalada, balse uu kusoo doorto aqoon, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynuhu waxa la leeyahay is beddel ayuu samaynayaaye, waxa aan leeyahay Madaxaweyne kudaafaddii haka soo gurrane meel nadiifa ka soo qaado ayaanu ku leenahay,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Hoos ka daawo