DF iyo maamullada oo shir ka yeeshay xaaladda dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shir u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan cudurka safmarka ah ee Covid-19 oo mar saddexaaad soo kacleeyey.

Shirkan oo ku qaabsoomay aaladda fogaan araga ee Zoom ayaa waxaa ka qeyb-galay  wasiirada caafimaadka ee dowladda dhexe, kuwa dowlad dowlad goboleedyada, agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha caafimaadka iyo sidoo kale la-taliyeyaal caafimaad.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in inta uu shirka socday diiradda lagu saaray sidii markale looga hortegi lahaa faafista cudurkan oo haatan kusii baahaya dalka.

Sidoo kale waxaa warbixino la xiriira saameynta xanuunka laga dhageystay qeybta gaarka ah ee la socoshada iyo dabagalka xaaladaha caabuqa Covid-19, kuwaas oo ku taliyey in si wadajir ah loola dagaalamo cudurka, si loo bad-baadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fawsiya Abiikar Nuur oo madasha ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday in wasaaraddu ay waddo dadaallo guud oo ku aadan xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus, si loo yareeyo saameyntiisa dhinaca bulshada Soomaaliyeed.

Fawsiya ayaa sidoo kale sheegtay in kaliya xanuunka looga gungaari karo qaadashada talaalka Covid-19 iyo in dadka Soomaaliyeed sameeyeen feejignaan dheeri ah.

“Dagaalka dowladda ee ku aadan afjaridda masiibada Covid-19 waxaan kaga gungaari karnaa in dadka Soomaaliyeed qaataan tallaalka iyo taxadar dheeri ah, waxaana muhiim ah in inta ugu badan ee suurtogalka ah ee gaari kara goobaha aan dhignay tallaalka ay qaataan, Tallaalka aan keenay waa mid amaan ah oo nabdoon, taas waxaa cadeynaya aniga, waayo waxaan si buuxda u qaatay 2 deydii tallaal, wax dhib ahna ma arag,” ayey tiri.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta iyo saraakiisha caafimaad ee ka qeyb-gashay shirkan ayaa isla qaatay in ay lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabo degdeg ah, si loo bad-baadiyo bulshada, loogana hortego culeys kasta oo keeni kara in dalka uu galo xaalad deg deg ah.

Si kastaba warbixinadii ugu dambeeyey ee maalmihii lasoo dhaafay ka soo baxayey wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa muujinaya kororka xanuunka, waxaana wasaaraddu ay diiwaan-gelisay kiisas horleh, iyada sidoo kale ay jirto tiro dhimasho ah.