R/W Rooble oo meesha ka saaray walaac laga qabay

Mombasa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in marnaba uu madaxweynaha Kenya kala hadlin kiiska badda, oo yaala maxkamadda caalamiga ah.

Arrintan ayaa aheyd mid ka mid ah walaacyada ay shacabka ka qabaan kulanka, ayada oo sidoo kale xubno ku xiran madaxweyne Farmaajo ay wararka faafiyeen, kadib markii labada mas’uul ay isku qabteen safarka Rooble ee Kenya.

Rooble ayaa waxa uu sheegay in dalka Kenya uu ku noolaa 13-sano, isla markaana uu aaminsan yahay in Soomaaliya uu muhiim u yahay xiriirka Kenya oo wanaagsanaada.

“Halkaan uma imaan in aan wax saxiixo, waxaan u imid inaan dhayo dhaawacyadii gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay kala joogto waxay ka mideysan tahay in dhulka iyo badda Soomaaliyeed ay yihiin lama taabtaan,” ayuu yiri Rooble.

“Maanta iyo berriba igama filaneysaan in heshiis aan ka galo badda oo waxaan sugeynaa jawaabta maxkamadda, saaxiibkey madaxweyne Uhuru isagoo i hor fadhiya ayaan idaas ugu sheegay.”

Haddaba, dadka falanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in safarka Rooble uu quus geliyay rejadii uu Kenyatta ka qabay in ajendaha kulanka Mombasa ku dhex-maray ra’iisul wasaaraha lagu daro kiiska badda.

Casuumadda Kenyatta ee ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale aheyd mid xukuumadda Nairobi ay ku rabtay in indhaha caalamka u muujiso in Soomaaliya ay ogoshahay in muranka sanadaha badan taagna ee badda lagu xaliyo wada-hadal.

Qoraal ay madaxtooyada Kenya kasoo saartay xiligaas kulanka Rooble iyo Kenyatta ayaa waxaa lagu sheegay qeyb kamid ah in madaxweynaha Kenya uu dalbaday si saaxiibtinimo ah xal looga gaaro kiiska badda, ayada oo markii dambe qeybta la xiriirta badda laga jaray qoraalka.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Macalimuu ayaa dhankiisa sheegay in qoraalkaas oo lagu daabacay barta Facebook-ga ee Madaxtooyada Kenya uu ahaa mid qalad ah oo si dhakhso ah loo saxay.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha wafdigiisa ee kulanka la qaatay Madaxweynaha Kenya iyo xubnaha Dowladiisa waxa uu si cad ugu sheegay Ra’iisul Wasaare Rooble Madaxda Kenya in dacwada la xiriirta badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya jawaabteeda laga sugayo kaliya Maxkamada Caalamiga ee Caddaalada ICG ee ay hortaallo,oo aaney jirin haba yaraatee cid arintaasi gorgortan ka gali karta. Qoraal qalad ah oo lagu dabaacay Facebook Madaxtooyada Kenya dhaqso ayaa loo saxay oo laga garanayo,” ayuu yiri.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in marnaba aysan wax wada-hadal ah ka geli dooni kiiska badda, midaasi oo fashil kusoo afmeertay isku dayo badan oo dowladda Kenya ku dooneysay in kiiskaas laga soo celiyo maxkamadda ICJ.