25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Afhayeenkii wasaaradda amniga oo xil ka qaadis lagu sameeyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Dowlada Somalia ay xil ka qaadis ku sameysay Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan).

Afhayeenka oo goordhow la hadlay saxaafada ayaa xaqiijiyey in dowladda Somalia ay soo gaarsiisay warqad xilka looga qaadayo.

Afhayeenka ayaa sheegay in warqadaasi ay uga imaaday Wasiirka Amniga balse isagu mudo Shan Cisho ah kahor uu xilkii Afhayeenimo iska casilay wallow aysan jirin in uu Warbaahinta la wadaagay is casilaadaas.

Waxa uu sheegay inuusan jecleen inuu lasii shaqeeyo Dowlada, sidaa aawgeed uu xilka mar hore isaga casilay iminkana ay soo baxday warqad xilka looga qaaday.

Sidoo kale, Afhayeenka xilkiisa waayay ayaa laba cisho ka hor warar aflagaado ah hawada u mariyay Madaxda ugu sareysa dalka taa oo la aaminsan yahay inay soo dadajisay xil ka qaadistiisa.

Dhinaca kale, sababta ugu weyn ee xil ka qaadista Afhayeenka ayaa lagu sheegay inay tahay inuu ka been sheegay dowlada isla markaana carab dhabay in 11 bil uusan qaadan Mushaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News