DP World oo xil qaadis ku sameysay ninkii dekadda Berbera ugu qaabilsanaa…

Hargeysa (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maamulka shirkada DP World ay xil ka qaadis ku sameeyen Xisaabiyaha guud ee shirkada u fadhiyay Dekadda Berbera ee maamulka Somaliland.

Xisaabiyaha Dekadda Iimaan Yuusuf Iimaan ayaa xilkaasi laga qaaday kadib markii uu isfahan’waa dhexmaray isaga iyo maamulka Dekadda waxaana xigay xil ka qaadistiisa.

Maamulka DP World ayaa si KMG ah xilka laga qaaday Iimaan Yuusuf Iimaan ugu magacaabay nin kasoo jeeda dalka Senegal oo kamid ahaa shaqaalaha shirkada.

Warar hoose ayaa sheegaya in Iimaan Yuusuf Iimaan uu ka hor imaaday ku tagrifal awoodeed oo uu kala kulmay maamulka shirkada taasina ay dhalisay in lagu sameeyo xil ka qaadis degdeg ah.

Shirkada DP World ayaa lagu eedeeyay inay ku amar taagleyso shaqaalaha Soomaalida ee ka howlgala Dekadda, taa oo kala fogaanshu ka dhex abuurta maamulka iyo shaqaalaha.

Sidoo kale, shirkada DP World ayaan jirin cid kala hadli karta ku tagrifalka shaqaalaha, waxaana xusid mudan in madaxda Somaliland aysan awood u laheyn faragalinta howsha shirkada.

Docda kale, Shirkada DP World ayaan dhag jalaq usiin amarada kasoo baxay madaxda dowlada kaa oo lagu mamnuucay hanaanka khaldan ee shirkadaas ay uga howlgaleyso Dekadda Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com