Agaasimaha madaxtooyada Puntland oo ku dhawaaqay is-casilaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha madaxtooyada Garowe ee maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay.

Dr Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland, waxaana uu sheegay inuu jiro khilaaf cusub oo soo if baxay.

Ma jiro faahfaahin dheeri ah oo uu warbaahinta siiyay agaasimaha balse, waxaa jiro inuu khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay agaasime cusub oo u magacaabay madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa Agaasimaha Madaxtooyada u magacaabay Cabdinaasir Biixi Soofe oo horay u soo noqday Taliyaha ciidamada PMF-ta Puntland, laakiin ugu dambeyntii xilkaas laga qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com