Goorma ayay Kenya ka jawaabeysa dacwadda dhanka badda?

Muqdisho (Caasimada online) – Maxkamadda Caddaaladda Caalamka ee ICJ ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay u qabatay Waqti , islamarkaana laga rabo in ay jawaab ay kasoo bixiso dacwad badeed kala dhaxeeya Soomaaliya.

ICJ ayaa sheegtay  18-ka December 2017-ka laga doonaayo dowladda Kenya in ay ka jawaabto Kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ,kasoo Soomaaliya ay gudbisay Sanadkii 2014 tii.

ICJ ayaa sheegtay in ay qaadan doonto go’aan kale hadii aysan Kenya  xilligaasi  keenin jawaabta laga rabo.

Soomaaliya ay horay ugu guuleystay in dacwadda  badda ay qaadi karto Maxkamadda ICJ ka dib markii ay dowladda Kenya ay horistaagtay.

Maxkamadda ayaana labadii Bishaan go’aamisay in ay dacwadda qaadikarto ,islamarkaana labada dal ee muran Badda uu u dhaxeeya ay si toos ah  guda gali doono Marka ay dowladda Kenya ay soo jaawaabto.

Dowladda Kenya ayaa laga doonaya in ay iska difaacdo Dacwadda ay kasoo gudbisay Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com