Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad kasoo baxday Xafiiska Agaasimaha Villa Somalia Fahad Yaasiin, ayaa waxaa amar guuritaan ah lagu dul dhigay dadka degan Madaxtooyadda Somalia.
Warqada ayaa waxaa dadka degan Villa Somalia lagu faray inay uga guuraan muddo 14 Cisho gudaheeda.
Waxaa lagu xaqiijiyay warqada in amarkaani la ogeysiiyay Taliyayaasha ay khuseyso sida Taliyaha Madaxtooyadda iyo Abaanduulaha ciidanka Madaxtooyada.
Dadka ay ku socto warqada ayaa waxa ay fursadoodu tahay mid ku eg 22-ka Bishan aan ku guda jirno oo ay ka harsan tahay 12 Cisho.


