Agaasime CABDINUUR oo qaaday tallaabo dhaawici karta doorashada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mamnuucday bixinta kaarar la siin jiray odayaasha dhaqanka, ganacsatada, siyaasiyiintii hore, wariyeyaasha iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasoo xiriir dhaw lalahaa Villa Soomaaliya.

Kaararkan oo loo yaqaana VIP ayaa loo bixin jiray si dadka kor ku xusan ay ugu soo galaan Madaxtooyada iyo sidoo kale in ay u adeegsadaan dhaqdhaqaaqa magaalada maadaama kaar la’aan aan la gali karin goobo badan oo uu kamid yahay Garoonka Diyaaradaga ee Aadan Cabdulle.

Sida aan xogta ku helnay amarka lagu joojiyey kaararkaan ayaa waxaa soo saaray Kusimaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed iyadoo aan la ogeyn ujeedada uu tallaabadaan ka leeyahay.

Kusimaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo go’aankan soo saaray ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid dhaawacaya dib u doorashada Madaxweynaha maadaama albaabka uu ka xirtay dadkii Madaxweynaha ku xirnaa.

Lama oga tallaabada uu ka qaadi doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo maadaama Cabdinuur uu is biday awood dheeri ah oo uu ku xannibayo saaxiibada Madaxweynaha iyo xulafadiisa siyaasadeed oo ay ku adkaatay marista waddooyinka Muqdisho.

Villa Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay bixinaysay kaararka lagu sheegay VIP iyada oo 2020 la sheegay in ilaa 5 kun oo ruux oo aan shaqaale rasmi ah ka ahayn Madaxtooyada la siiyay si ay waddooyinka Muqdisho ugu maraan.

Ku Simaha Agaasimaha Guud, ahna xubin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransan yahay ayaad mooddaa inuu awooddiisa ku tijaabinayo shacabka iyo siyaasiyiinta caasimadda iyada oo halkii albaab ee u furnaa uu xiray si isu socodka siyaasiyiinta loo yareeyo.

Tallaabada uu qaaday Mudane Cabdinuur ayaa waxaaa si weyn uga hor yimid Agaasime Ku Xigeenka Guud ee dhanka Maamulka Mudane Cabdullaahi Dadoon, waxaana laga yaabaa in khilaafkan uu saameeyo shaqada guud ee Xafiiska Madaxweynaha.