Kigali (Caasimada Online) – Saraakiisha laamaha amniga ee Puntland ayaa xaqiijiyay in ugu dmabeyn gacanta lagu soo dhigay agaasimihii hore ee isbitaalka guud ee Qardho, Dr. Jaamac Ildab, kaas oo ku eedeysan dambi culus, gaar aah kiisas waawayn oo kufsi ah.
Soo qabashada ninkan oo dalka ka baxsaday ayaa hay’adaha amniga Puntland waxa ay kala kaashadeen Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya iyo Booliska Adduunka (Interpol), waxaana maaintii Isniinta ahayd lagu qabtay gudaha dalka Rwanda oo uu gaaray.
Jaamac Ildab oo muddo dheer la baadi goobayay ayaa markii hore tegay Itoobiya, isaga oo ku dhuumaaleysanayay caasimada dalkaasi ee Addis Ababa, kadib waxa uu uga sii gudbay Jabuuti, waxaana la ogaaday qorshihiisa iyo inuu kusii jeedo Rwanda oo laga soo qabtay.
Puntland ayaa ninkan horay ugu jartay waaran soo qabasho ah, waxaana haatan la filayaa in la keeno Soomaaliya, kadibna lagu wareejiyo Puntland, si loogu maxkamadeeyo.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in wafdi ka socda Puntland ay u ambabixi doonaan Ruwanda, si ay ula soo wareegaan eedeysanaha, kadibna loo geeyo Garoowe oo ay ka bilaaban doonto maxkamadeyntiisa, maadaama loo haysto kiis wayn oo xasaasi ah.
Sidoo kale, waxaa jira rag kale oo ku jira gacanta hay’adaha amniga oo ku eedeysan kiisas la xiriira kufsi iyo muuqaallo anshax darro ah oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada
Xogta ayaa intaasi kusii dareysa in Booliska uu gacanta ku hayo muuqaallo galmo kufsi ah oo ay kooxdaan ka duubeen mid kamid ah dhibbnayaasha kufsiga loo gaystay, taas oo haatan cadaalad ka sugeysa hay’adaha garsoorka ee maamul-goboleedka Puntland.
Kiiskan ayaa dhaliyay hadal heyn xooggan, waxaana laga war dhowrayaa sida ay u xakameyso Puntland iyo halka ay mariso, maadaama lasoo qabtay eedeysanayaasha oo uu ugu dambeeyay agaasimihii hore ee isbitaalka guud ee degmada Qardho, Dr. Jaamac Ildab.