Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey inuu xilalka ka qaaday agaasimihii guud ee wasaaradaasi C/risaaq Yuusuf Bahlaawi iyo agasimaha maamulka kadib markii uu ku eedeeyey inay ku kaceyn musuq maasuq.
Arintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii sida la sheegay lagu eedeeyay Agaasimaha guud iyo Agaasimaha dhanka Maamulka Iyo Maaliyadda Wasaaradda Warfaafinta eedeymo la xiriira dhanka Musuq maasuqa.
Wasiirka Warfaafinta Yariisow ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdirisaaq Cali Yusuf “Bahlaawi” xilka uga qaaday, kaasoo muddo badan xilkaas ku fadhiyey.
Wasiirka ayaa si kumeel gaar ah xilkaas ugu magacaabay C/raxmaan Yuusuf Sheekh Alcadaala oo horey u ahaa madaxa wakaalada wararka ee SONNA.
“Waxaan maanta shaqo ka fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta, kadib eedeymo la xiriira maamul-xumo iyo musuqmaasuq. Dowladda Federaalka wey ka go’antahay inay si kasta ula dagaasho maamul xumada iyo musuqmaasuqa…” ayuu Yariisow ku yiri qoraal uu kusoo qoray bartiisa Facebook
Wasiirka Warfaafinta ayaa si bedel iyo xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimayaasha kale ee waaxyaha, waxaa Agaasimaha Telefishinka Qaranka ee SNTV loo magacaabay Liibaan Cabdi Cali, halka Agaasimihii xilkaas hayay C/naasir Xuseen loo magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Qorsheynta.
Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa waxaa loo magacaabay C/fataax Daahir Jeyte, iyadoo xilka Agaasimaha Radio laga qaaday Axmed Gaatamow.
Waxaa kaloo Agaasimaha Wakaalada wararka Soomaaliyeed loo magacaabay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Heybe.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]