Xog: Shaqsiyaad ka tirsan hay’adaha maaliyada iyo garsoorka oo xilka laga qaadi rabo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda cusub ee Soomaaliya ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wado olole ay xilalka uga qaadeyso dhammaan mas’uuliyiintii xukumayey hey’adaha kala duwan ee dowladda, taasoo lagu sheegay inay tahay arrin loola jeedo hormarka dalka.

Hadda Caasimadda Online ayaa heshay liiska Shaqsiyaad ka tirsan Hey’adaha Garsoorka iyo Maaliyadda oo xilka laga qaadi rabo, kuwaas oo ay hadda socdaan olole ay shaqsiyaad kale ku doonayaan in xilkaas loogu magacaabo.

Xogtaan ayaa ah xog la isku haleyn karo oo laga soo xigtay shasiyaad aad ugu dhow dhow Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso shaqsiyaadka ay seefta leefi doonto Maalmaha soo socdo ee ka kala tirsan hey’adaha Maaliyadda iyo garsoorka:

1 – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Saleebaan

2 – Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir

3 – Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali

4 – Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Aadan Abuukar Maxamed

5 – Hanti Dhowrkaa Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale.

6 – Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi, inkastoo ay jiraan warar sheegayo inuusan saameyn doonin isbadalada socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com