Khilaaf ka dhashay halka uu ka dhici doono kulanka Ahlu Sunna iyo Galmudug

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya  Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa dhawan gaaray Cadaado halkaas oo uu madaxda Galmudug kula soo saxiixday heshiis sheegayo in doorashada dib loo dhigo sido kalana wadahadal lala furo Ahlu Sunna Waljameeca.

Haddaba arrintaas ayaa waxaa kasoo cusbonaatay khilaaf cusub oo ku aadan halka uu ka dhici doono kulanka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Galmudug & Ahlu Sunna oo ka wada dhisan Gobolada Dhexe, ayaa waxay isku khilaafsan yihiin goobtii la dhigi lahaa gogosha wada hadalada ee labada dhinac, kulankaas oo la filayey in Ahlu Sunna laga dhaadhacsiiyo inay qeyb ka noqoto Galmudug.

Magaalada Cadaado, ayaa waxaa Sabtidii laga soo saaray war saxaafadeed lagu sheegay in Galmudug laga dhaadhiciyay in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha Galmudug, illaa 30-ka bishan, si Ahlu Sunna looga soo qaybgeliyo doorashada.

Heshiiskii ay dowladda Soomaaliya la gashay Galmudug ayaan lagu caddeyn halka uu ka dhici doono kulanka wada xaajoodka Galmudug iyo Ahlu Sunna, inkastoo kaliya la xusay inay labada dhinac bilaabaan wada hadaladooda 10-ka illaa 24-ka bishan.

Maxamed Xasan Geelle oo ah  Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa ka dhawajiyey inay qasab tahay in wadahadalka uu ka dhaco Caasimadda kumeel gaarka ah ee Cadaado.

Dhanka kale afhayeenka Ahlu Sunna Mursal Maxamed Yuusuf (Xeefow),  , ayaa sheegay inaysan jirin baahi ku khasbi karta in wada hadalada kaga qaybgelaan Magaalada Cadaado, isagoona ku celceliyay inaanay u socon magaaladaasi wax kasta oo la sheego.

Afhayeenka ayaa ku baaqay in gogosha la dhigo Magaalada Dhuusa Mareeb oo uu ku tilmaamay inay tahay mid amnigeeda la isku haleyn karo.

Afhayeenka oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa ka dhawaajiyey in haddii Madaxda Galmudug ay rabaan wadahadal ay imaadaan Magaalada Dhuusa Mareeb, isagoo duray amniga Cadaado oo uu ku tilmaamay inay tahay meel aan la isku haleyn karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com