Arrin yaab leh: Amisom oo laga magay mooto ay ku jiireen Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada qeybta taliska Taraafikada ayaa Ciidamada AMISOM ka bixiyay dhaqaale laga dalbaday kadib markii ay jiireen Mooto Bajaaj oo ay lahaayen shacab.

Ciidamada AMISOM ee jiiray Mootada ayaa ka cudur daartay inay bixiyaan dhaqaalaha ku baxaaya sameynta Mootada, kadib markii ay ku andacooden inaanu qaadan xuquuq.

Milkiilaha Mootada oo dacwad ah ayaa gaaray Xarunta taliska, waxa ayna dalbadeen in Ciidamada AMISOM looga qaado dhaqaalaha ku baxaaya Mootada ay jiireen.

Milkiilaha ayaa ka biya diiday inuu cafiyo shilka waxa uuna sheegay in cafinta uu ka doorbidaayo inuu helo dhaqaalaha ku baxaaya sameynta Mootada.

Taliska Ciidamada Taraafikada ayaa ugu danbeyntii bixiyay dhaqaalaha ku baxeysa sameynta Mootada.

Ciidamada AMISOM ayaa magaalada Muqdisho ka geysta falal isugu jira xasuuq iyo jiiris, waxaana xusid mudan inay caadeysteen waxyeeleynta shacabka.

DFS ayaan dhag jalaq usiin ficilada ay AMISOM ka dhex geysanayaan magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com